MICNAHA IYO QIIMAHA BISHA RAMADAAN (QEYBTA 7:AAD).

Ujeedooyinka Soonkana waxaa kamid ah inay qofka sooman calooshiisu dareento Baahi iyo harraad, kadibna ay xasuusato, Rabbigeed iyo dhibka ay qabeen bilaha oo dhan dadka Masaakiinta ah, ee aan haysanin waxay cunaan.

Islamarkaana baahida iyo harraadku ay caloosha ka xaaqaan wassakhdii, Subagii iyo baruurtii ku hartay caloosha luuqyadeeda. Waana sida uu yiri Rasuulkeenii (scw) (Dad yahaw sooma aad caafimaadeene) taasina waa mid lahubo oo ay xaqiijiyeen dhakhaatiirta casrigan joogta.

Hadaba waxaa larabaa qofka muslimka ahi markuu sisax ah usoomo inay Iimaankiisa iyo Alle kacabsidiisu kor u kacaan, miisaankiisa iyo hilibkiisuna hoos udhacaan! Hadaan taa lahelin oo qofkii muslimka ahaa bisha Ramadaan uu cuntada ka cuno intii hore in kabadan, kadibna uusii cayilo, sii buurto waxaa cad inuusan beegsanin ujeedadii Soonka ee saxda ahayd.

Illaa qofka bani aadamka ahi wuxuu ka samaysan yahay 2 Unug oo kala duwan: 1. Jirka oo ka samaysan Carro ama dhooqo, siuu u korana ubaahan cunto, cabitaan, raaxo ama nasasho, jimcsi iwm. 2. Nafta ama Ruuxda oo ah sirtii Ilaahay uu ku afuufay aabeheen Aadam, siay u kortana waxay u baahan tahay inay u dhawaato Rabbi, kuna diirsato Nalka Iimaanka, waxyiga, ku toosida Xaqa iwm.

Labadooduna inta badan way is dhibaan oo waxa mid urooni kan kaluu dhibaa, markay naftu raaxaysato….Lasoco qeybo kale oo aad u muhiim ah.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,212 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>