MICNAHA IYO QIIMAHA BISHA RAMADAAN (QEYBTA 5:AAD).

Qof aan naxariis iyo jacayl loo haynin lama dhaqo-carfiyo, qof aan la nadiifinina magaaro darajada raali noqoshada.

Hadaba Xadhiith kaa koobani waa cashir aad u qaayo dheer, qofka Mu´minka ahna siinaya fursad aad u qiimo badan.

Waxaa kaloo Xadhiithkaa sii dhamaystiraya Xadiith kale oo oranaya; Saxaabada ayaa maqlay Rasuulka (scw) oo oranaya (Aamiin Aamiin Aamiin) ayagoon wax duca ah maqlin, kadibna Rasuuka ayay weydiiyeen, maxaad aamin u lahayd.

Wuxuuna ugu jawaabay Jibril baa habaaray sadex qaybood oo dadka kamid, waxaana kamid ahaa qof soo gaaray Ramadaan oo aan mudanin inuu Rabbi (scw) udanbi dhaafo.

Waxaana fahmi karaa weynaanta culayska ay leedahay arinta uu Jibril la habaartamay, Nabi Muxamadna (scw) u jiibiyay, Aamiin u yiri. Oo qof waliba wuu dareemi karaa xumaanta iyo dulinimada ay leedahay qof kayimid meel ay dadkeedu dhamaan dharag-sanyihiin, isaguna baahi la-ildaran, maxaa kasoocay dadka oo isaga duliga ku riday.

Waa sidaas oo kale qofkii kadhex baxa Ramadaan isagoo aan Rabbigii (swt) ka mudanin xarmad, danbi dhaaf iyo naar ka-xorow. Bisha Ramadaan markay dhalato Rabbi (swt) wuxuu ugu kaalmeeyaa dadka Mu´miniinta inuu xabsiga u taxaabo dhamaan shayaatiintii dadka dhumin jiray, xoog iyo awood badana siiyo Malaa´igta dadaka Khayrka iyo wanaaga farta ama ku dhiira galisa.

Xadhiith Qudsi ah wuxuu Rabbi (swt) kuyiri, adoomahayga acmaashooda oo dhan iyagaa iska leh, Soonka ma ehee, Soonka anaa iska leh, anaana ka abaal marinaya.

Lasoco qeybo kale oo muhiim ah.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,212 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>