MICNAHA IYO QIIMAHA BISHA RAMADAAN (QEYBTA 4:AAD).

Hadaan isku dayo inaan arintaa ku soo dhaweeyo tusaale yar waxaan oran karaa, hooya kasta ilmaheeda aad bay u jeceshahay, waxayna aad u jeceshahay inay iyada u dhawaadaan akteeda ku ciyaaraan.

Haday aragto ilmaheedii oo soo haraaday baahi, oon iyo wasaq ay kala goosteen, waxay samaynayso waan wada fahmi karnaa.

Inay naxdo fadhiga kaboodo, canugii qabto, musqusha kula cararto, dharkii wasakhda ahaa ka-bixiso, wasakhdii saabuun kaga dhaqdo, Saliid iyo Boder u mariso, kadibna ay dhabteeda ku seexiso ama agteeda fariisiso siisana Caano iyo Cunto kolba waxay u haysay.

Intaa kadib ayuu canugii farxaa qoslaa soona gaaraa halkii ay hooyadii la rabtay, lana qososhaa una heestaa. Hadaba qofka Muslimka Rabbigii (scw).

3 abuuray ayaa uga raxmad badan ilmaha hooyadiis, waxaana badan inay adoomihii isku haleeyaan Danbi, Fisqi, Rabbi kafogaan iwm.

Kadibna soon baa usoo galaya, Mu´miniintiina way soo mayaan, Rabbi bayna u soo laabanayaan, wuxuuna arki Rabbi (scw) iyagoo ka fogaaday kana dhex baxay Danbigii iyo xumaantii ay ku dhex jireen, wuxuuna ku fiirin il raxmadeed.

(Hooyadii ilmaheeda Xaalkiisa ka naxday) tobankii 2aadna Danbi dhaaf, wasaq ka dhaqid iyo nadiifin iyo carfin, si uu u gaaro xaaladii u saraysay ee raali ahaan-shaha, naar ka xoroobid.

Qof aan naxariis iyo jacayl loo haynin lama….La soco qybta xigta “Insha allaah”.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,335 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>