MICNAHA IYO QIIMAHA BISHA RAMADAAN (QEYBTA 2:AAD).

Hadaba shaki maleh inay Bisha Ramadaan uga sharaf iyo qiimo badan tahay qofka Muslimka ah Marti kasta oo uu qadarin lahaa, laakiin nasiib darro waxaa yar inta fahmaysa qiimaha bishaas ee siinaysa darajada ay mudan tahay.

Soonkuna waa Tiirka Afraad ee Tiirarka Islaamka ee 5 ah, qofkii diida ama inkira ama ka shakiya inuu waa jib yahayna wuxuu noqonayaa qof seetadii furtay oo Islaamka weydaartay. Waana Tiir badani ah, oo ku xariira qofka Muslimka ah ee kari kara inuu soomo, isagoon la fiirinaynin inuu qofkaasi leeyahay Hanti iyo in kale.

Halka ay Sakadu tahay Tiir Dhaqaale oo ku waajiba Maalka uu haysto qofku, isagoon la fiirinaynin Jirka ama xooga uu leeyahay qofkaasi. Halka uu Xajku yahay Tiir u baahan labadii oo wada jira, inuu qofku heli karo, Maal uu ku aado safarka Xajka iyo inuu leeyahay awood ama Caafimaad uu ku gudan karo Acmaasha Xajka ee faraha badan.

2 Hadaba Soonku yuu ku waajibaa? Soonku wuxuu ku waa jibaa qof Muslim ah, oo Baaliq ah, caqligiisuna taam yahay, kana taahir ah caadada ku dhacda haweenka.

Oo qofkii aan Muslim ahayn soonku kuma waa jibo, lamana oranayo war maxaad u soomi wayday, ee waxaa la-waydiin ama loo bandhigi inuu kow Islaamka fahmo, ku qanco kadibna qaato kadibna soomo, (Ooda dhacmeed siday u kala horeeyeen baa loo kala jiidaa).

Ilmaha aan wali qaan gaarina Soonku…..La soco Qeybta Saddexaad.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,335 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>