MICNAHA IYO QIIMAHA BISHA RAMADAAN (QEYBTA 10:AAD).

Taasina waa cibaado uu rasuulkeenii aad ugu dadaali jiray (scw). Waa mid sii adkaynaysa inuu qofka Muslimka ahi bisha Ramadaan ka fogaado jacaylka Aduunayada hawada nafta, oo uu Rabbi sifiican u caabudo, kuna mashquuo jacaylkiisa, xusuustiisa, akhriska Kitaabkiisa iwm. 2. Sakada fitriga, ee labixiyo, dhamaadka Soonka inta ka horaysa Salaada Ciida.

Waana sadaqo larab in laga bixiyo qof kasta oo Muslim ah, oo noolaaday qayb bishii Soon kamid ah iyo Maalinta Ciida ah, haya-raado ama hawey-naadee.

Waxaana larabaa inay Soonkeenii Caraf iyo qurux ka buuxiso, Masaakiintana u noqoto maalinta ciida ah farxad, siayna maalintaa barakaysan uga fikirin waxay cuni lahayeen, ama ayna baahi la xanuunsanin.

Rabbi waxaan ka baryaynaa inuu Soonka naga aqbalo, danbigeenana dhaafo, naartana naga xoreeyo… wadankeena nabad ku soo dabaalo, umadeena Jidka khayrka iyo nabad ILLAHAY HA tuso. Aamiin, aamiin, aamiin.

DHAMMAAD.

Aayahanolosja.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,255 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>