MEYDKA HAWEENEY SOOMAALI AH OO LAGA HELAY GURI AY KA DAGANAYD MAGAALADA SAN DIEGO.

Wararka naga soo gaaraya wadanka Mareykanka ayaa sheegaya in haweeney Soomaali ah meydkeeda laga helay gurigeeda oo ku yaala magaalada San Diego ee gobolka California wadanka Mareykanka.

Haweeneydan oo lagu magacaabo Muna Kuri ayaa  da’deeda lagu sheegay 36 sano jir ayaa warkeeda la waayey ilaa Sabtidii, waxaana markii danbe meydkeeda laga helay isla gurigii ay ku nooleyd iyadoo dhaawacyo daran ay ka muuqdaan qeybta hore ee jirkeeda.

Sida ay sheegtay Aamina Salad oo ah walaasha marxuumada la dilay ayaa sheegtay in walaasheed warkeeda iyo wacaalkeeda la waayey Sabtidii, isla markaana uu jiro tuhun ah in Ninkeeda uu ka dambeeyay dilkeeda, kaasoo ilaa iyo hadda la la’yahay meel uu jaan iyo cirib dhigay, waxaana kiiska la wareegay Booliiska oo baaritaan bilaabay.

Saxaafadda Mareykanka ayaa sheegeysa in Muna ay markeedii hor ka timid dalka Kenya, isla markaana ay ahayd qof dabeecad wanaagsan oo ka shaqeysa goob lagu xanaaneeyo caruurta.

Ninka qabay haweeneyda la dilay oo magaciisa lagu sheegay C/casiis ayaa la saarayaa tuhunka dilka xaaskiisa, sida ay ku eedeysay Muna Walaasheed, hase’ahaatee Booliska ayaa sheegay inaan weli cid lagu soo eedeeyn dilka, ninkeedana uu yahay qof baaritaanka muhiim u ah.

AAYAHANOLOSHA.NET

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,212 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>