MEYDADKA AFAR QOFOOD OO MUDDO 7-MAALMOOD GURI KU JIRAY OO…..

Dadka deriska ayaa markii ay u adkaysan waayeen ur iyo qurmoon ka soo baxayay guri deriskooda ah ayay ku wargeliyeen ciidammada amaanka.

Gurigaas ayaa waxaa laga helay afar qof oo hal qoys ah oo wada geeriyooday, kadib markii la sheegay in ay cuneen cuno wasaqeysan.

Dhacadadan oo ka dhacday magaalada Giza ee dalka Masar ayaa ciidamada amaanka  waxa ay jebiyeen gurigii oo loogu tagay meydadka 4 qof oo deggenaa gurigaas.

Meydadkaasi loogu tagay guriga ayaa waxa ay kala ahaayeen Aabihii qoyskaasi oo ay da’diisu ahayd 43 iyo hooyadii qoyskaasi oo ay da’deedu ahayd 35 jir iyo labo carruura oo ay dhaleen oo ay da’ahoodu kala ahaayeen 13 jir iyo 18 jir.

Baaritaano ay sameeyeen ciidamada ammaanka ee goobtaasi ayaa lagu xaqiijiyay in aanay jirin wax muujinaya in qoyskaasi fal dil ah lagula kacay. Sidoo kale waxa ay ciidamadaasi sheegeen in qoyskaasi ay toddobaad ka hor cuneen cunto wasakhaysan intaasi kadib ay dhakhtarka tageen balse isla maalintiiba ay dhammaantood ka soo baxeen dhakhtarkaasi.

Qoyska masiibadu ku dhacday ayaa la xaqiijiyay in ay u geeriyoodeen cuntadaasi wasaqeysan oo ay cuneen, waxaana dhammaantood maydadkooda loogu yimid iyaga dharkoodii caadiga ahaan xiran iyadoo meydadka laga helay daaradda guriga.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,179 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>