MUWAADIN SOOMAALIYEED OO MEYDKIISA LAGA HELAY WEBIGA MAGAALADA BASEL

Soomaali badan ayaa ka naxday geerida muwaadin Soomaaliyeed oo arroornimadii hore ee saakay meydkiisa laga helay agagaarka Webiga weyn magaalada Basel ee dalka Switzerland.

Ninka meydkiisa laga helay Webiga Basel ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Alle ha u naxariistee Abuukar Todobaale, waxaana la sheegay in jirkiisa uu ka muuqday dhaawacyo loo geystay.

Lama ogaan weli sababta muwaadinkaas Soomaaliyeed loo dilay iyo dadkii ka dambeeyey dilkiisa, sidoo kale lama oga in goobta lagu dilay iyo in la keenay markii la dilay kadib.

Dalalka ay Soomaalidu u barakaceen ayaa qaarkood Soomaalida loogu geystaa dilal, inkastoo dalka Switzerland oo ay ku nool yihiin Soomaali fara badan aan badiyaaba lagu dhibaateynin dadka Soomaaliyeed marka loo eego wadamada kale ayaa haddana dhacdadan maanta ka dhacday aad looga argagaxay.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

634 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>