MEYD LAGA ARGAGAXAY OO LAGA HELAY MAQAAXI KU TAALA MUQDISHO.

Maqaayad ku taalla degmada C/casiis ee gobalka Banaadir ayaa lagu arkay qof meyd ah oo u muuqatay in lagu dilay halkaas kadibna lagu aasay dharkeedii  si aan loo arag,waxaana dhacdadaan ay la yaab ku noqotay dadka deegaanka.

Haweeney ku ganacsata maaqaayadda lagu arkay Meydkaan ayaa sheegtay in iyada oo haaqaysa qeyb ka mid ah goobteeda ganacsi ay argtay xubno bini’aadam kadibna ay ku wargelisay maamulka iyo dadkii ka agdhawaa.

Sida laga dheehan karay meydkaan looma asturin sidii loogu talagalay waxaana lagu duugay dharkiisii, dhowr sano ka hor iyada oo aan loo qodin qabri, dadka deegaanka ayaana dib u karfanay una aasay.

C/laahi Maxamed Xuseen oo ka mid ah maamulka degmada C/casiis oo la hadlay Warbaahinta ayaa dhankiisa warbaahinta u sheegay in goobta ay gaareen markii lagu soo wargeliyay arrintaa kadibna ay la wadaageen hay’adaha amniga.

Sheeda kale waxa uu tilmaamay in meydkaan qiyastii la aasay xiligii ay dagaalada ka socdeen magaalada Muqdisho 10-sano ka hor, isaga oo ugu dambayntii sheegay in shacabka iyo maamulka degmada oo iskaashanaya ay soo aruuriyeen lafaha qofkaan dibna loo karfanay lana aasay.

Aayahanolosha.net

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,179 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>