MEYD LA WAAYAY 25-SANO KAHOR OO SABABAY IN BIYAHA LAGA DHAMMEEYO HARO WEYN

Meydka haweeney la waayay 25 sano ka hor ayaa laga baadigoobayaa Haro biyo ka buuxaan hoosteeda, kadib markii looga shakiyay inay haradaasi ku hoos jirto.

Booliska oo ka quustay helitaanka meydka haweeneydaas ayaa waxay baadigoobkeeda dib u soo nooleeyeen kagadaal markii nin kalluumeysato ah oo haradaas ka kalluumeysta uu shabaag uu ku ritay Haradaasi ay shabaakadda u soo galeen waxyaabo badan oo ay ku jireen alaabo ay naagtaasi lahayd iyo faraantigeedii, taasoo Booliska ku dhiirigelisay inay u bareeraan in haradaas ay ka baadigoobaan meydka haweeneyda.

Booliska Jarmalka ayaa sheegay inay ku guul dareysteen in Haradaas oo biyo ay ku jiraan ka helaan meydka, waxayna sheegeen inay qorsheynayaan inay biyaha  ka dhameeyaan Haradaas oo ku taala magaalada Bremen ee dalka  Jarmalka.

Waxa ay booliska oo adeegsanayaan qalab mashiin lagu rakibay tubooyin waawey ayaa bilaabay inay biyaha ka dhammeeyaan Haradaas si ay uga baaraan meydka haweeneydaas la waayay 25 sano ka hor.

Howsha adag ee biyaha looga saarayo Haradan ayay Boolisku sheegeen inay ku dhameynayaan muddo 5 maalmood ah, iyadoo biyahaasina lagu darayo webiga Weser ee halkaa ka dhow.

Haweeneyda meydkeeda la raadinayo ayaa ku noolayd magaalada Bremen ee waqooyiga dalka Jarmalka, waxaana meydkeeda la waayay 1993-dii, ilaa iyo haatanna lama helin meydkeeda.

Dilka haweeneydan ayaa waxa lagu eedeeyay nin ay saaxiibo ahaayeen oo si saaxiibtinimo ah ku qabay kaasoo Wiil ay u dhashay si qasab ah kaga qaatay markii ay ku buuqdayna dilay, kadibna meydkeeda webiga ku tuuray.

Ninka lagu eedeeyay dilka haweeneydaas oo 58 jir ah ayaa beeniyay eedaymaha loo soo jeediyay, welina waxaa  socda baaritaan lagu ogaanayo cidda rasmiga uga dambeysay dilka haweeneydaas.

Koox quusayaal ah ayaa isku dayay inay biyahaa ka soo saaraan meydka haweeneydaas, balse markii ay Harada gunta hoose u galeen, hase yeeshee waxba way ka soo waayeen biyaha oo calow ahaa oo aan waxba laga arkeyn darteed.

Baarayaasha ayaa haatan ku rajo weyn in ay helaan meydka haweeneydaasi, sida afhayeen u hadlay Booliska uu u sheegay wakaaladda wararka DPA ee dalka Jarmalka.

 

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

473 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>