MAXKAMADDA HARGEYSA OO 3-SANO XABSI AH KU XUKUNTAY NACIIMO QORANE.

Maxkamada magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland ayaa saddex sano oo xabsi ku xukuntay Naciimo Abwaan Qorane oo bilowgii sanadkan lagu xiray magaaladaasi.

Abwaanad Naciimo ayaa loo heystay laba dambe oo ay maxkamadu ku sheegtay in ay faafisay dacaayad ka dhan ah Hay’adaha maamulka Somaliland iyo dambiga labaad oo ay ku sheegtay in ay dal shisheeye ka sameysay kacdoon liddi ku ah qaranimada Somaliland sida maxkamadu ay sheegtay.

Mubaarag Cabdi Ismaaciil oo ah garyaqaan ayaa eedahaas ka hor jeediyay maxkamada iyada oo maxkamadduna saddex sano ku xukuntay Abwaanad Naciimo oo ah gabar baraha bulshada wax ku qorta.

Maxkamadu ma sheegin in xukunka Naciima la iibsan karo ama racfaan laga qaadan karo sida xukunno ay horay u ridda oo kale.

Durbaha waxa ay qeylo dhaan xoogan ka soo yeertay hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa Somaliland mar kale ku eedeesay in ay caburin ku heyso dadka cabiraya fakarkooda xorta ah.

Si kastaba ha ahaatee Naciima ayaa xabsiga magaalada Hargaysa ku jirtay 67 maalmood ka hor xukunka maanta ay ku riday maxkamada magaaladaasi.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

235 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>