MAXKAMADA G.MAROODI JEEX OO LASOO TAAGAY WIIL DHALINYARO KU LABISTAY DHAR KA SAMAYSAN CALANKA SOOMAALIYA.

Wiil dhallinyaro ahaa oo lagu xiray ka dib markii uu suuqa la yimid isagoo xiran dhar ka samaysan calanka Soomaaliya ayaa maanta maxkamadda gobolka Maroodi jeex la hor keenay si loo dhagaysto dacwadiisa.

Maxkamadda gobolka Maroodi jeex ayaa toddoba cisho ah oo rumaan ah siisay ciidanka Booliska iyo xeer ilaalinta si loo diyaariyo dacwada loo haysto.

Cabdiraxmaan Aar oo ah eedeysanaha waxa uu gudoomiye ka ahaa ururka maxali ah ee qabyaaladiid, taas oo dadka ka wacdiyi jiray qabyaaladda.

Si kastaba, Cabdiraxmaan Aar ayaa muddo lix cisho ah u xirnaa dharka ka samaysan calanka Soomaaliya ee uu ku labistay, waxaanu ku soo beegay wakhti loo dabaaldegayey 18 may oo ah maalinta Somaliland u dabaaldegaan madax banaanidda maamulkaasi.

Aayahanolosha.net

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,255 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>