MAXAA LOO ILOOBAY DHALINYARADA SOOMAALIYEED EE KU XABISAN DALKA UGANDA

Dhalinyaro ka kooban 7 ruux oo Soomaali ah oo bishii September  sanadkii 2014 lagu xiran dalka Uganda ayaa lagu iloobay iyadoo aanay jirin cid u doodda ama Maxkamad la soo taagay.

Dhalinyaradan oo laga soo qabqabtay Xaafadda Soomaalidu ku badan tahay ee dalka Uganda ee Kisenyi ayaa lagu eedeeyay  inay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab ayna qorsheynayeen inay weerar qaraxyo ah ka geystaan dalka Uganda.

 

Muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa muddo Shan sano ah xabsiga ku jira ayaan weli la hor geyn maxkamad, waxayna marar badan codsadeen in Maxkamad la soo taago ama la sii daayo iyagoo horey u sheegay inaysan wanaagsanayn xaaladahooda caafimaad ayna u baahan yihiin daryeel caafimaad oo deg deg ah in ay helaan.

Waxay dhalinyaradan xabisan ay marar badan dalbadeen in xitaa damaanad lagu sii daayo, hase ahaatee ma jirto cid dheg jalaq u siisay ama warkooda aqbashay, waxaase war hadda na soo gaaray uu sheegayaa in Xoghayaha safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Uganda Cali-Qadar uu  sheegay in Madaxweynaha dowladda Soomaaliya uu waraaq u qoray dhigiisa dalka Uganda  uuna ka dalbaday in dhalinyaradaas xoriyaddooda loo soo celiyo, wuxuuna xusay Xoghayuhu  in madaxweynaha Uganda  uu aqbalay in sida ugu dhaqsaha badan ay xoriyaddooda u heli doonan dhalintaas inta aan dambi laheyn.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

259 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>