MAXAA LAGU GARTAA QOFKA KU JECEL….?

MAXAA LAGU GARTAA QOFKA WAX JECEL?.

Daraasado dhawr ah oo ay sameeyeen Xeeldheerayaasha ku takhasusay arrimaha Jacaylka ayaa shaaciyay astaamaha gaarka u ah ee lagu garto qofka jacaylka dhabta ahi uu hayo, taas oo aad ku garan karto haddii aad isku aragto astaamahan in Jacayl dhab ahi uu ku hayo.

1- Qofka sida dhabta ah wax u jeceli wuxuu u ilaaliyaa una sharfaa Lamaanaha kale ee uu jecel yahay, si ka badan sida uu u Daryeelo Naftiisa.

2- Qofka Jacaylka Rasmiga ahi haleelaa si dhab ah ayuu u ilmeeyaa, mar kasta oo uu Xasuusto Lamaanaha uu u jecel yahay.

3- Mar kasta oo uu soo dhaco Talefoonkiisu Qofka sida dhabta ah wax u jeceli waxa uu aad u door bidaa in uu noqdo Codkii Lamaanaha uu sida Dhabta ah u jecel yahay.

4- Haddii uu ogyahay halka uu joogo Lamaanaha uu jecel yahay masaafaday doonto ha jirtee wuu u boholyoobaa waanu u tagtaa.

5- Haddii Lamanaaha aad jeceshahay uu la socdo Qof kale, waa inuu muuqaalkeedu uu si gaar ah kaaga soocnaadaa Bidhaan ahaan Dadka kale.

6- Marka uu ku soo eego Lamaanaha aad jeceshahay ee ay indhihiinu is qabtaan waad Naxdaa, Wadnahaaaguna si aan caadi ahayn ayuu u sii kordhaa Garaaciisa.

7- Qofka jecaylku dhabta ahi hayaa kuma dhiirado in uu si caadi ah ula hadlo Lamaanaha uu jecel yahay, mar kasta oo uu la hadlana waxa uu dareemaa Naxdin saa’id ah Kalgacal awgii.

8- Qofka sida dhabta ah wax u jeceli waxa uu bilaabaa Dhagaysiga Heesaha iyo Muusiga dabacsan ee ay ku jiraan Ereyada macnaha leh ee ku dhibca Qalbiga, kuna saabsan Qiimaha iyo Qadarinta Jacaylka.

9- Qofka sida dhabta ah wax u jeceli mar kasta Qalbigiisa wuxuu ku lamaanan yahay Lamaanaha kale ee uu sida Xaqiiqda ah u jecel yahay.

10- Qofka wax jeceli uma Quuro Lamaanaha uu jecel yahay Been, Khiyaamo iyo Quursi, guusha horumarka noloshiisana wuxuu u arkaa isaga oo ku Guulaysiga Kasbashada Jacaylka Lamaanaha uu Jecel yahay.

(Ha Guuleysto Jacaylka Dhabta ah ee Daacadda loo yahay).

W/Q:- Macoow Ustaad.

XIGASHO : Abdirisaaq Dalmar

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

279 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>