MATAANO WAX WALIBA KU MIDOOBAY OO LAKALA GARAN LA’ YAHAY

Gabdho walaalo ah oo lagu kala magacaabo Drs. Iyerusaalem Getaahuun iyo Drs. Qaalkidaan Getaahuun waa mataano muuqaalkooda iyo dhaqankooda lakala garanaynin, dadka badanaana ay isku qaldaan.

Waxay ku dhasheen kuna soo barbaareen magaalada Shaashamane ee dalka Itoobiya. Dugsiga hoose, dhexe iyo sare halkaa ay ku soo qaateen waxayna imtixaanka dugsi sare lagaga baxo ay keeneen isku dhibco.

Kaddibna waxay waxbarashadooda dhakhtarnimo ka barteen Hayat Medical College oo ku taallo magaalada Addis Ababa, markay ka qalinjabiyeen jaamacaddaasina waxaa lagu wada qoray Isbitaal ay dowladdu leedahay oo ku yaalla degmada Malkaa. Wakhti xaadirkannaa waxay furtay xaruun caafimaad oo ay ugu magac dareen ‘Xaruunta Caafimaadka Mataanaha”.

Xaruunta Caafimaadka ee Mataanaha Waxaa maareeya ka aha Dr Iyerusaalem halka ay Dr Qaalkidaan ay tahay maareeye ku xigeen.

Labadan gabdhood ee mataanaha oo aan muuqaalkooda iyo dabeecada badanba ka mideysan waxay kala weyn yihiin 5 daqiiqo oo keli ah.

Codkeeda, Dhirirkooda, Miisaankooda, Natiijadooda waxbarasho, Dareenkooda, Rabitaankooda, kabaha ay xidhaan, wey isaga eg yihiin ilaa ay waaliddiintooda iyo dadka xaruuntooda u imaado inuu iska daweeyo ay ku adkaato iney kala gartaan.

Iyaga laftooda waxay kuu sheegayaan iney waxba ku kala duwaneen, haddii ay kala maqan yihiin xitaa ay isku si wax u dareemayaan, mid haddii ay bukooto tan kalana ay bukooneyso, haddii ay faraxdo ama ama ay midkood mururgootana sida oo kale waa ay dareemayaan.

Maxay ku kala duwan yihiin?

Hooyada dhashay labadan dhakhtar ee mataanaha ah waxay sheegeysaa “iney iyada lafteed ay ku dhibtooto iney si fudud ku kala garato oo marar badan ku khaldantay gaar ahaanna marka ay teleefan kuugula hadlayaan qofka kula hadlayo ma garan kartid ilaa ay iyada iisu kaa sheegto.”

Dhakaatiir Mataana ah

Waxa keli ah ee lagu kala saari karo markay kula joogaan ayey tiri hooyadood “midbaa xoogahaa aamusan midna wey qosol badan tahay balse wax kale oo lagu kala garan karo ma jirto.”

Mataanaha sawirkooda carruurnimada

Inta badanna waxaa ay jecel yihiin iney isku dhar iyo isku kabo qaataan taasoo qofka aan aadka u garaneyn ku sii adkeyneyso inuu si fudud u kala saaro.

Mataanaha oo xiran dharka qelinjabinta

Waxayna dhakaatiirtaasi sheegeen dhibka keli ah ee ay la kulmeen inti ay noolaayeen ay tahay inaan saaxib rag ah ay lahayn maadaamaa qofka ay mid ka hesho tan kalana ka heleyso cabsi ay ka qabaan iney kalamhinaasaan awgood iney labadooduba xiriir la sameeysanin saaxibtinimada ragga.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,212 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>