MAREYKANKA OO JAHWAREER KA HEYSTA MIDEYNTA CARRUURTA IYO WAALIDIINTOODA KALA NOOL.

Iyadoo dhawaan xaakim heer Federaal ah dowladda Mareykanka ku amray in la sii daayo carruurta da’doodu ka hooseyso 5-ta sanadood ee lagu hayo xarrumo ay dowladda leedahay si ay ula midoobaan waalidiintooda.

Sidoo kale Xaakimka waxa uu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan carruurta lala mideeyo waalidiintooda.

Qaar ka mid ah carruurta waxaa lagu hayaa goobo fog fog oo aan u dhaweyn halka waalidiintooda ay ku noolyihiin.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ilaa iyo haatan afar carruur ah ay la midoobeen waalidkood halka 34 kalena lagu wado in maalinta talaadada ee ina soo aadan loo geeyo waalidkood.

Sidoo kale waxay sheegeen in 75 carruur ah oo kaliya ay macquul tahay in lala mideeyo waalidkood arrimo la xiriira dhanka gaadiidka iyo waalidiinta qaar oo maxaabis ah awgeed.

Garyaqaanada dalka Mareykanka ayaa dowladda ku dhaleeceeyay in xitaa aysan isku dayin in ay la xirriiraan waalidiinta carruurta dhalay ee kala nool.

AAYAHANOLOSHA.NET

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

534 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>