MAREYKANKA OO BAARAYA MEYDKA LABA GABDHOOD OO SOOMAALI AH.

Gabdhahan Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Amaal Maxamed iyo Anisa Maxamed ayaa ku dhintay shil gaari oo ka dhacay Dalka Mareykanka.

Saraakiisha laamaha ammaanka Mareykanka ayaa wada baaritaano ku aadan waxyaabaha sababay shilkaasi gaari oo ka dhacay Gobolka Ohio ee dalkaasi.

Ehelada gabdhahaasi ayaa sidoo kale sheegay in dhaawac uu soo gaaray gabar kale oo lagu magacaabo Aamino Maxamed oo la dhalatay gabdhahaasi shilkaasi ku dhintay.

Ciidamo katirsan Booliska dalkaasi ayaa sheegaya in ay haatan hayaan xogo ku saabsan in gaariga oo xawaare ku socday uu ku dhacay gaari kale, hase’yeeshee ay baaritaano dheeraad ah haayaan.

Bulshada Soomaaliyeed ee kunool dalkaasi Mareykanka ayaa dareen naxdin leh ka muujiyay geerida gabdhahaasi, waxaana la qorsheynayaa in meydkooda la aaso, waxaana ay xilligaasi ku guda jireen booqashada qaar ka mid ah eheladooda.

 

AAYAHANOLOSHA.NET

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

634 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>