MALAAYIIN DOOLLAR HAL JOOG OO KABO AH MAKU IIBSAN LAHAYD..? (LAYAABKA DUNIDA)

Walax ama shey aan qof qiimo la lahayn ayaa qof muuneeyaa oo qiimo u yeelaa amaba qiimo sare la leh, dad bayna layaab ku tahay in hal joog oo Kabaha la gashado ah malaayiin doollar laga bixiyo.

Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka carabta ayaa joog Kabo ah oo nuuca dumarka xirtaan ah lagu kala iibsaday 17 Milyan oo lacagta doollarka Mareykanka ah.

Kabahan oo lagu soo bandhigay  Hotelka ‘Burj Al-Arab’ ee magaalada Dubai ayaa waxaa laga sameeyay maqaarka nooca ugu qaalisan oo lagu xardhay 100 carats oo dahabka cad ah (20g).

“Waxaan halkaan ku aragnaa dad wax iibsan kara, Dubai waa magaalada Milyaneerada iyo Bilyaneerrada” sidaa waxaa yiri Hemani Karamchandani oo ah Agaasimaha Shirkadda soo bandhigtay Kabahan qaaliga ah ee ‘Passion Jewellers’.

Waxa uu sheegay in fikradda kabahani ay lahayd Maria Majari oo ah haweenay Ingiriis ah oo asalkeedu Romanian yahay taasoo ay xiriir leeyihiin Shirkadda Passion Jewellers.

Dhanka kale  dada badan ayaa fajaciso ka qaaday lacagta intaa la eg ee lagu iibsaday joogga kabaha ah, iyadoo lacagtaasi lagu iibsan karay waxyaabo kale oo ka muhimsan kabahaas, balse qofka iibsaday ayaa u iibsaday kabahaas faan iyo halagaa sheego, Soomaaliduse wax ay tiraahdaa “Qofna Rooti buu iibsan kari waayay, qofna shaarkaa ku yaraaday”.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

473 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>