MADAXWEYNE KA QEYB GALAY AASKA LABADII GABDHOOD EE ISKU DHEGANAA

Maria iyo Consolata oo ahaa Labo gabdhood oo Mataano ah iskuna dhegenaa muddo aad u fog ayaa waxay ku geeriyoodeen dalka Tanzaniya kadib markii uu Wadnaha istaagay.

Labadaan Gabdhood oo si weyn looga yaqaanay dalka Tansaaniya ayaa da’adooda ahayd 22-sanno, waxayna iyagoo ku qanacsan isku dheganaantooda ay si wadajir ah u qabsan jireen howlahooda.

Gabdhahaas oo si farxad leh ku dhameystay waxbarashadoodii Dugsiga Sare,  kuna raja  weynaa in ay waxbarashada ka gaaraan ilaa heer Jaamacadeed, balse ay geeridu u timid kadib markii xanuun degdeg ah uu ku soo booday.
Labadaas gabdhood ayaa waalidkoodu waxa ay geeriyoodeen iyaga oo aad u yar yar waxaana Koriimadooda ka qayb qaatey Ha’yado Samafal oo ka jira dalka Tanzaaniya.
Geerida labadaas gabdhood ee isku dhegenaa Mataanahana ahaa ayaa waxaa geeridooda aad looga dareemay dalka Tanzaaniya, waxaana aaskooda ka qayb galay Madaxweynaha Wadanka Tanzaaniya oo u tacsiyadeeyey asxaabtoodii iyo qaraabadooda.
Labadaas gabdhood ayaa wadaagi jiray Sambabada iyoo Beerka, waxaana mid waliba ay lahayd wadne u gaar ah, waxaana ku soo booday xanuun aakhirkii  sababay inay u geeriyoodeen, kadib markii ay wax ka qaban waayeen xanuunkooda dhakhaatiirka Isbitaalka  ugu weyn dalka  Tanzaaniya.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

279 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>