MADAXWEYNE CAAN AH OO FAGAARE KU DHUNKADAY HAWEENEY OO MURAN BADANI UU KA DHASHAY

Madaxweynaha dalka Philippine Rodrigo Duterte ayaa la kulmay dhaleeceyn kaddib markii uu soo muqday isagoo dhunkanaya mid kamid ah shaqaalaha dalkaasi xilli ay socotay munaasabad toos ah.

Duterte oo ka hadlaayay munaasabad dalka Kuuriyada Waqooyi ayaa goobta ugu yeeray haweeney, wuxuuna ka dhaadhiciyay inay dhunkato.

Goobta uu Duterte ku dhunkaday gabadhaha waxaa hareeyay sawaxan iyo qaylo, waxaana inta badan samaynayay shaqaalaha dalkaasi Philiphine.

Waxaa lagu tilmaamay tallaabada Madaxweynaha arrin aan habboonayn oo waxyeello loogu gaysnaya sumacadda haweenka, sida uu sheegay Gabriela oo u dhaqdhaqaaqa bulshada rayidka.

Mid kamid ah haweenka uu madaxweyanaha dhunkaday ayaa markii dambe sheegtay inaysan wax dhibaata ah ku jirin arrintaasi lagu sameeyay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo madaxweyne Duterte lagu eedeeyay inuu sameeyay dabeecad aan wanaasagnayn oo ka dhan ah haweenka.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

279 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>