MADAX SHUB MISE MAC-MACAAN IYO XAN!!.

Dhaqan roga yimid kuma eka meelo gaar ah ee  waxa uu gudaha u galay ama ku mil may meelo badan oo aan laga fileyn taasi oo marka kuugu horeysa keeneysa amakaak.

akhristoow haddaad ogeyn marka la joogo Somalia madax shub, Abaay-abaay taas oo la  sameyn jiray inta ay hablaha isu yimaadaan oo bun iyo cabuulo dubtaan oo madax shubtaan oo xoogaa xadreeyaan ayaa sidaas ku dhamaan jitay, waa la badalay Magaalada Bergan ee Dalka Norway yaab iyo amakaak ayaa laga soo warinayaa.

Markii ugu horeeysay ayay labadeyda indhood ay qabteen meel aad moodo in xaflad aroos ama qof dhalsho loogu sameynayo si aad loo soo qurxiyay ayaa la ii sheegay in lagu ALLE baryayo sida ay ula jeedeen hablahaasi.

in cabaar ah markii wariye joogay halkaasi uu xooraan saday xaruntii kulanka ka dhacay ayaa indhahiisa ay qabteen gaari ka yimid goobaha macmacaanka lagu iibiyo kaasi ku yimid dalabaad.

Gaarigu waxa uu wadaa Sanbuus Cabitaan iyo Mac-macaan kale  goobti ayaa la keenay alaabtii markii aan su’aalay waxa la ii sheegay in loogu tala galay madax shubkaan.

Ma xuma in la badalo cunadii laakiin waxaa iga yaabshoo  aan  maqlay  ayaa ahaa meesha maba joogto hal islaan oo wax ka taqaan xaga xadreynta ee waxa isugu yimid hablo kale oo da’dhexaad ah.

Cunadii iyo cabistii ayaa la guda galay in cabaar ah markii la dhergay ayaa la bilaabay qaraaxo iyo sheeko wax aan loo joogin oo xan u badnayd taas oo aan aad ula cajabay.

Guntii iyo Gabogabadii ayuu leeyahay wariye Bile Baastey waxa aan orod uga baxay meeshii aniga la yaaban waxa meesha ka dhacay taas oo igu qasabtay in aan uga sheekeeyo wariye Saalax Dheere oo ah wariyaha  qalinka u qaatay  qormadan gaaban taas oo aan ciwaankeedu u xushay MADAX SHUB  MISE MACMACAAN IYO XAN!!.

W/D:  Saalax Nuur Cali (saalax dheere).

Johannesburg-South afrika.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

259 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>