MAAMULKA PUNTLAND OO RAGGA XAASASKOODA FURA CANSHUUR KU SOO ROGAY

Wasaaradda Maaliyadda dowlad gobolleedka Puntland ayaa shaacisay in lacag canshuur ah ku waajibisay nin kasta oo xaaskiisa fura.

Wasaaraddu waxa ay sheegtay in nin kasta oo xaaskiisa furaya uu soo wargeliyo wasaaradda arrimaha Qoyska, warqadda furiinkana uu soo raaciyo lacag dhan $20 dolla.

Munaasabad lagu daah furay qabyo tirka xeerka canshuuraha ayuu hadalkaan ku shaaciyay Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Siciid Caarshe, waxana uu sheegay in sharcigan Canshuurta lagu soo rogay ragga furaya xaasaskooda uu dhaqan galayo.

Go’aanka Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa ku soo beegmay, xilli haatan shaqo la’aanta baahsan iyo sixir bararka nolosha saameeyay ee degaannada Puntland ka jirto, inkastoo loo fasiran karo in canshuurta lagu soo rogay ragga xaasaskooda fura ay yareyn karto furiinka iyo kala taga lamaanayaasha is qaba.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

634 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>