MAAMULKA AXMED MADOOBE OO XABSIGA DHIGAY GABAR FACEBOOK KU TAAGEERTAY DOWLADDA SOMALIYA

Gabar lagu magacaabo Sahro Maxamed Yuusuf ayaa lam ogaaday in ay muddo seddex maalmood u xiran tahay maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmad Madoobe kadib markii lagu eedeeyay in Facebook ay ku taageertay dowladda federaalka.

Waxaa gabadhaas lagu eedeeyay inay fikrad ama comment ka dhiibatay qoraal lagu dhaleeceynayay Axmad Madoobe oo barta facebook-ka la soo dhigay. waxaana xarigeeda la ogaaday maanta.

Ciidanka Jubbaland ayaa Sahra ka qabtay suuqa magaalada Kismaayo xili ay suuqa ka adeeganeysay, waxa ayna ku xiran tahay saldhiga magaalada Kismaayo.

Sahra oo aad u taageerta Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare kheyre ayaa waxa ay inta badan share gareysaa qoraallada lagu dhaliilo maamulka Axmad  Madoobe oo waayadaan dambe mucaarado ay ku soo baxday.

Waxyaabah ay fikirkeeda ku cabirtay ee dowladda lagu taageerayay, isla markaana facebook la soo dhigay ayaa waxaa ku jiray erayo looga soo horjeeday Maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiye Axmed Maxamed Islaam (Madoobe)

Mamulka Jubbaland ayaa horay dhowr mar u xiray dad bartooda facebooka ku qoray erayo ka dhan ah maamulka Jubbaland, iyada oo taasi ay walaac ka muujiyeen bulshada magalada Kismaayo.

Maamulka Somaliland ayaa lagu yaqaanay in uu xiro dadka rayidka ah ee taageera dowladda Soomaaliya, sidoo kalena xabsiga dhiga dadka ka soo jeeda Somaliland ee Muqdisho taga kadibna Hargeysa ku laabta.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

357 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>