MA XUSUUSATAA KULANKAN…?

Kulan si heer-sare ah loo soo agaasimay, isla markaasna ay ka soo qeybgaleen Wariyaasha iyo howlwadeenada Wargeyska Aayaha, kana dhacay xarunta Wargeyska ayaa waxaa looga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin hormarinta Wargeyska, sidii tilaabo adag looga qaadi lahaa dadka ku qaraabta magaca wariyaasha Aayaha Nolosha iyo sidii shaqaale cusub Wargeyska loogu soo biirin lahaa, sidoo kalena wadashaqeyn fiican shaqaalaha wareyska iyo bulshada Soomaaliyeed ee ku taxan Wargeyska ay u dhexmari laheyd.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa lagu go’aamiyey in Web Site u gaar ah loo sameeyo wargeyska Aayaha Nolosha, kaasoo loo bixiyey AAYAHANOLOSHA.NET, dedaal badan kadibna dhaqan galay, si akhristayaasha wargeyska ee dalka iyo dibaddiisa joogaan u helaan macluumaadka uu baahiyo Wargeyska.

Kulanka ayaa  ugu horeyn waxaa isku bartay wariyayaasha ka howlgala Wargeyska oo qaarkood magaca un iska yaqaanay oo muuqaal ahaan aan is aqoon, isbarasho ka dib waxay wariyeyaasha ka doodeen sidii loo sii dardargelin lahaa Wargeyska, isla markaasna loo tayeyn lahaa qormooyinka ku soo baxa Wargeyska, waxayna kulanka ay yeesheen saxafiyiinta ka howlgasha Aayaha Nolosha isku dhaafsadeen fikrado iyo tallooyin muhiim u ah akhristayaasha Wargeyska.

 

Kulanka oo lagu doortay hogaan cusub oo Xafiiska Muqdisho ka shaqeynaya,  waxaana hogaankaasi loo kala magacaabay Yuusuf Maxamuud Warsame {Yuusuf Bidaaye} oo loo doortay Guddoomiyaha Wargeyska, tifaftire ku xigeen waxaa loo doortay C/rashiid Taataa, madaxa barnaamijyada waxaa loo doortay C/weli Xasan Maxamuud {Tarabatooni, halka Asad yare iyo Bile Baastey loo doortay madaxa shaqada iyo shaqaalaha, sidoo kalena waxaa jiray xilal kale oo la magacaabay, waxaana xilalka qaarkood loo dhiibay gabdho cusub oo shaqada Wargeyska lagu soo biiriyey, waxaana sidoo kale qodobadii laga dooday ugu muhiimsanaa sidii aqbaaraad dheeraad ah loogu soo kordhin lahaa Wargeys, sidoo kalena shaqada Wargeyska ay muhiim noqotay in lagu soo biiriyo dumar maadaama Wargeysku ka hadlo arrimaha qoyska oo dumarku ay qeyb ka yihiin.

Intii uu kulanka socday waxaa dhaliil iyo dhaleecayn kulul loo soo jeediyay dad la sheegay inay sheegtaan ka mid ahaanshaha wariyeyaasha Wargeyska, kuwaas oo qaarkood ku qaraabta magaca wariyeyaasha, sidaasina ay dad badan dhaqaalo uga qaataan, sidoo kalena ay u been sheegaan gabdho badan oo ay kula haasaawaan inay wariyeyaasha Wargeyska Aayaha Nolosha yihiin, iyadoo ay dhacday in qaar ka mid ah dadkaas beenta looga qaatay dhaqaalaha ay soo dacwoodeen oo cabashooyin badanna u soo gudbiyey xarunta dhexe ee Wargeyska Aayaa Nolosha.

“Dadka lagu been abuurto si kastaba waxaan u sheegeynaa in wariyeyaasha wargeyska Aayaha Nolosha ay heystaan kaarar aqoonsi sharciyeysan, ciddii aan kaarar heysanna aysan war ka qaadan” sidaa waxaa yiri Guddoomiyaha cusub ee Wargeyska Aayaha Nolosha Yuusuf Maxamuud Warsame {Bidaaye} oo shirkii ay yeesheen wariyaasha shir gudoominayey.

Wariyeyaasha kulanka ka qeybgalay waxaa ka mid ahaa:- Ismaaciil Cumar Madoobe {Caaqil yare}, Bile Maxamed Cabdi {Bile Baastey}, Yuusuf Maxamed Warsame {Yuusuf Bidaaye}, C/rashiid Taataa, C/weli Xasan Maxamuud {Tarbatooni}, Asad Abuukar Cali {Asad Yare} Wiilo Cli Bulxan, Xasan Cali Geesey Al-qeys iyo wariyaal kale, waxaana qadka taleefanka uga qeybqaatay kulanka wariyeyaal kale oo ku kala sugnaa gobolada dalka iyo dalalka qaaradda Afrika.

Wargeyska Aayaha Nolosha oo la aas-aasay 28-kii Oktoobar sanadkii 1998-diii ayaa waxaynu akhristayaasha Wargeyska leenahay wixii talo iyo tusaale ah way inoo soo gudbin karaa, waxaana hadafkeenu yahay inaan qaadano tallooyinka akhristayaasha oo ah kuwa uu wargeysku u shaqeeyo, kuna tiirsanyahay. ,,,,,

Xafiiska Warqabadka Muqdisho
Dr. C/wali Xasan Maxamuud (Tarabatooni)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

259 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>