Ma kartoon baad is leedahay wax wuu dhici karaa..? (Warbixin Xiiso leh).

Runtii QofKa Aqriya Cinwaanka Sheekadu Waxa uu is Leeyhay Sideey Wax Ka Noqdeen Ninkani iyaga oo is Weydiinaya Ma Kartoon Baa Nafi Ku Jirtaa oo Wax Dhici Kara??!!!, Balse Sheekada Sidaa Maahee Hoos iila Dhaadhac.

Waa Dabayaaqadii Sanaddii aynu Soo Macasalaameynay ee 2017 Sheekaduna Waxa ay Ka Dhacday Dalka Keenya Magaaladiisa Neyroobi.

Ganacsada Soomali ah oo Halkaa Dukaan Dhex Gal ah Kulahaa ayaa Xili uu Dukaankiisa Xiraayay Waxaa u Yimi Rag Kaloo Soomali ah oo kartoon Weyn Wada Dukaanka ayeey Soo Galeen iyaga oo Xilagaa oo uu Xirayay La Fiirsanayay waxa ayna Ku Yiraahdeen Walaalow isma Naqaan Kartoonkaana Meel Kaloon Dhigno Ma Naqaan ee Halkaan Noo Dhig Subixi Xili Horaan Kugu Soo Jarmaadeynaahee.

Milkiilihii Waayahay ayuu Yiri isaga oo aan Wax Shaki ah Galin Kadib Maxaa Dhacay Markii Dukaankii La Xiray!!!

Kartoonka Waxa Ku Jiray Qof Nool Mar Xili Sax Dhexe Tahay ayuu Ninkii Kartoonka Ku Jiray Kasoo Dhex Baxay Waxa uuna Maamushay Dukaankii Kadibna Si Aayar ah Ayuu Kartoonkiisii ugu Laabtay.

Subixii Markii Lagaaray Xiligii La Furi Lahaa Dukaanka Waaba Kuwan Kuwii Kartoonka Keenay oo Waxa ay Taagan Yihiin ilinka Dukaanka iyaga oo Doonaya in Markuu Milkiilaha Dukaanku Furaya intaanu Waxba Tabin Kartoonkooda Qaatan.

Sidii ayeeyna Sameyeen Markuu Milkiilaha Furay intaanu Gudbin ayeey Gudaha La Galeen Mahad Celin Kadibna Kartoonkoodii ayeey Qaateen Gaarigii ay Wateen ayeeyna Ku Dhaceen.

Milkiilihii Markuu Saacad Joogayba Waxa uu Tabay Lacago Amaano ah iyo Lacago uu isagu Lahaa, Meel Walbuu eegay Ma Jiro Wax Soo Jabsaday Goobtiisa Ganacsi, Xalay Markuu Tagayayna Lacagta Waa ay u Taalay, Balse Balse Goor Casirkii ah ayuu ogaaday in Kartoon Lagu Dhacay.

W/D: Maxamed Xuseen Yuusuf  (Xaaji-tahriib).

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

279 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>