BARANBARO JIRKA MA MARSAN LAHAYD…?

Wargeyska Beijing Youth Daily ayaa qoray in laamaha ammaanka ee ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee Baiyun International Airport ee magaalada Guangdong ay qabteen Baranbaro boorso ku jira oo la doonayay in lala dhoofo.

Waxay laamaha ammaanku arkeen waxyaabo nuuxnuuxsanaya, kadib markii ay boorsadu dhex martay mashiinka wax lagu baaro.

Arrintan layaabka leh ee lagu arkay Garoonkaas ayaa la ogaaday inay wataan lamaane da’ ah oo doonayay inay dhoofaan.

“Meesha waxaa ku jiray bac ay ka dhex dhaqdhaqaaqayeen waxyaabo badan oo madmadaw,” sida Kankan News ay u sheegtay Xu Yuyu oo ilaalada ka mid ahayd.

“Gabadh ka mid ah shaqaalihii ayaa markaas furtay boorsada, baranbaro ayaana ka soo yaacday. In ay ooydana waxyar baa uga dhimanaaa,” ayay hadalkeeda ku sii dartay.

Markii la waydiiyay sababta ay u safrinayaan baranbaraha, ninkii ayaa mas’uuliyiinta garoonka u sheegay in ay xaaskiisu jirka marsato.

Ma uusan sii faahfaahin xaaladda xaaskiisu ku sugan tahay, laakiin Yu ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta loo sheegay in ay tahay nooc dawo ah oo waayadii hore la isticmaali jiray. Inta kareen dawo ah lagu qaso baranbarta ayaana jirka la marsadaa.”

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,126 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>