LAMAANE LA QABTAY IYAGOO XUBNO BANI’AADAM IIBINAYA

Baaritaan culus ayaa lagu hayaa lamaane la soo qabtay iyaga oo wata xubno bani’aadam, waxaana lala xiriiriyay dilka Tobaneeyo ruux oo la weysanaa.

Ninka iyo xaaskiisa la soo qabtay ayaa Booliska u sheegay in ay 20-haween ah ku dileen goob ka tirsan magaalada Mexico City, waxaana gurigii ay deganaayeen lagu soo arkay xubno dad kuwaasoo ku jiray firiij ama qaboojiye.

Baarayaasha ayaa sheegay in lamaanahan ay gadayeen xubnaha dadka, balse aysan caddayn cidda ay ka gadayeen, kuwaasoo iyagana baaritaan lagu hayo.

“Dumarka waan dili jirnay, carruurtoodana waan gadi jirnay” ayuu yiri ninka falkan loo soo qabtay, waxayna dadka deriska la ah lamaanahayaashan ay sheegeen in mar walba ay wadan jireen gaariga carruurta lagu riixdo, kaas oo markii dambe ay booliisku ka heleen xubnaha jirka.

Booliiska oo warbixinta helay ayaa istaajiyay oo baaray Gaariga ay wateen ee ilmaha lagu riixdo, iyadoo shakiga lamaanayaashan uu soo baxay kadib markii bishii Sebtembar ee sanadkan la waayay Nancy Huitron oo 28 jir ah iyo ilmo yar oo ay dhashay Valentina oo labo bilood jiray.

Ninka oo lagu magacaabo Juan Carlos ayaa qirtay in uu dilay Huitron iyo sidoo kale Arlet Olguín oo 23 jir ah iyo Evelyn Rojas oo 29 jir ahayd, kuwaas oo uu sheegay in uu khaarajiyay.

Dacwad oogeyaashu waxay sheegeen in sidoo kale uu qirtay in uu dumarka tacadi galmo uu u gaysan jiray inta uusan dilin, intaas kadibna uu gadan jiray.

Saddexdaas dumarka ah ee uu qashay oo dhamaantood garoob ahaa ayaa la waayay bilihii ugu dambeeyay ee sanadkan, iyadoo Huitron la waayay 6-dii Sebtembar waxaana xilligaasi wehliyay ilmaheedu kadib markii ay iskuul gaysay labadeeda gabdhood ee waawayn, waxaana la taway xilli labadeedii gabdhood la waayay cid iskuulka ka soo celisa.

Booliiska oo baaritaan dheer sameeyay ayaa soo helay ilmihii yaraa ee Valentina dhashay, kaas oo ay sheegeen in laga gaday lamaanewaxaana lagu wareejiyay Ayeydiis.

Booliska ayaa sheegay in Juan Carlos uu askarta ka codsaday in loo lebiso Suut kahor inta aan saxaafadda la horgaynin, sababtoo ah ayuu yiri “Ma ahi dambiile wasakh ah”.

Gobolka Mexico waa gobolka dumarka ugu badan lagu waayay dalkaas oo dhan, bishii Janaayo ilaa bishii Abriil ee sannadkan waxaa la waayay 395 ruux, kuwaasoo 207 ka mid ah ay ahaayeen dumar.

Goobaha ay rabashaduhu ka jiraan ee dalka Mexico ayaa inta badan dadka lagu wataa, burcad ayaana goobahaas maamusha booliiskuna way ka cabsadaan in ay aadaan, laakiin dhacdadan markii la soo ogaaday ayaa caro weyni ka dhalatay, waxayna dadku bilaabeen in ay mudaaharaad ka dhigaan waddooyinka Ecatepec oo ah deegaan ay ku nool yihiin dad danyar ah oo ka tirsan gobolka uu dhibkani ka dhacay.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

473 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>