LAMAANAYAAL XILLI AY AFURAYEEN XALAY LAGU DILAY GURIGOODA

Kooxo hubeysan ayaa xalay xiligii afurka waxa ay nin iyo xaaskiisa ku dhax dileen gurigooda  xilli ay u fadhiyeen afurka bisha barakaysan ee Ramadaan.

Lamaanayaashan oo lagu dhex dilay hoygooda oo ku yaala deegaanka Owdiinle oo khiyaasii 25-km u jirta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiyaha deegaanka Awdiinle ee Gobolka Baay Cali Xuseen Xasan oo sheegay in lamaanahan loogu galay laguna dhax dilay gurigooda xili ay afur u fadhiyeen, waxa uuna sheegay in ay baxsadeen ragii dilka ka dambeeyay.

Lamaanahan la dilay ayuu sheegay Guddoomiyaha in ay caan ka ahaayeen deegaanka, waxa uuna tilmaamay in ay ahaayeen ganacsato aan wax shaqo ah ku laheyn  siyaasadaha isdiidan ee dalka.

Ciidamada amaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa howlgalo balaaran ka wada deegaanka Owdiinle , waxa ayna ciidamada baadigoobayaan kooxihii dilka ka dambeeyay.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

279 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>