LAMAANAYAAL KA TIRSAN CIIDANKA MILATARIGA OO LAGU DILAY QARAX KA DHACAY MUQDISHO.

Inta la xaqiijiyay shan ruux ayaa geeriyootay 11 kalana waa ay dhaawacmeen, kaddib markii gaari waxyaabaha qarxa lagu soo xiray uu ku qarxay bar kontorool oo ku dhow agagaarka taalada Daljirka Dahsoon iyo Ex Baarlamaan ee degmada Boondheere, Waxaana dadkaasi ku dhintay weerarkaasi ka mid ahaa lamayaal ka tirsan ciidanka Milatariga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Inkastoo dadkii ku geeriyooday qaraxii maanta ay ka mid ahaayeen mas’uuliyiin sarsare kana mid ahaa dowladda federaalka Soomaaliya, haddana dhacdada ugu hadal heynta badan ayaa noqotay geerida Marxuumad Faadumo Cali Raagge iyo Seygeedii oo ka mid ahaayeen ciidamada Milatariga.

Qaar ka mid ah ehelada lamaanayaashaasi ayaa sheegeen inay ifka uga tageen Carruur da’ooda ay u dhaxeyso 16-sano jir ilaa 8-jir, kuwaasoo caawa seexanaya iyagoo aan Hooyadood iyo aabahood midna heysan.

Qaraxyada iyo dilalka tooska ah ee ka dhaca magaalada Muqdisho oo joogta ah waxa ay reebaan badankood raad xanuun badan, iyadoo ay galaafato nolosha dad wax gal u ah bulshada Soomaaliyeed.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,255 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>