LAMAANAYAAL AAN WAXBA MAQAL OO AROOSKOODA UU KA DHACAY……..

Magaalada Garisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa waxaa dhowaan ka dhacay aroos nooc cusub ah oo ay ku aqal galeen lamaanayaal aan waxba maqal (dhagoolayaal) ah.

Arooskaan oo soo jiitay bulshada gobolkaasi ayaa waxaa isku calmaday Maxamed C/xamiid iyo Najma Yuusuf, kuwaasi oo arooskooda ku baxay qarash fara badan sida uu sheegay aabaha Caruuska, si aan loo arkin in uu ka duwan yahay dadka kale ee caadiga ah.

Maxamed iyo Najma ayaa labadooda is fahmeen, waxayna rajeynayaan in ay dhalaan carruur ilaa 5-7 gaaraya, halka Maxamed uu jeclaan lahaa inuu ku curto wiil kadibna gabar ugu xigsato. sidaasna saxaafadda ayuu u sheegay mar uu wareysi bixinayay caruuska

“Waalidkay ayaa aad iigu dadaalay waxna i baray, ina garab taagnaa ilaa iyo heerkan, Soomaaliduse aad bay u takooraan dhagooleyaasha guryaha ayay ku hayaan, marka waa in ay ogaadaan ahmiyadda ay leedahay in wax la baro dhagooleyaasha” ayuu yiri Maxamed oo luuqadda dhagoolayaasha adeegsanaaya.

Wuxuu sheegay in uu carruurtiisa jeclaan doono haddii ay dhagooleyaal noqdaan iyo haddii kalaba.

Cabdixamiid Sheekh Xasan Shiil oo ah aabaha carruuska ayaa sheegay in uu dhalay saddex wiil iyo labo gabdhood isla markaasna  aysan dhammaantood waxba maqlin sidoo kalana aysan hadlin.

Cabdixamiid wuxuu sheegay in labadii gabdhood laga guursaday, Maxamedna uu soo calmaday gabar sidiisa oo kale aan waxba maqlin isla markaasna hadlin waana  ku taageeray oo aroos laga sheekeeyo oo qarash fara badan uu igaga baxay ayaan u dhigay si aysan isu ciil kaambin” ayuu yiri.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

259 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>