DAD KU DHINTAY CAGAF KU GADOONTAY BARTAMAHA MAGAALADA BALADWEYNE.

Wararka inaga soo gaaraya wadada isku xirta magaalada Baladweyne iyo degaanka Ceel-Jaale gar ahaan Buundo Koobaad ayaa waxa ay sheegayaan in Cagaf-cagaf dad daabuleysay ay ku rogmatay halkaasi.

Rogmashada Cagaf-cagafta ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii iyada oo ku socoto si xawli ah ay dhexmartay biyaha soo fatahay ee wadada xiray, kuwaasi oo ah biyo aad u badan.

Wararka aan ka heleyno magaalada Baladweyne ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, oo soo gaaray qaar ka tirsan dadka shacabka ah ee saarnaa Cagafta.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah Sheekh si weyn looga garanayay magaalada oo lagu magacaabo Sheekh Suleymaan kana soo jeeda Qowmiyada Oromada, halka dhinaca kalana ilaa iyo hada lagu la’yahay biyaha labo wiil oo dhalinyarro ah.

Todobaad ka hor ayeey aheyd markii sidan oo kale Cagaf-Cagaf  ay la socdeen ku dhawaad 10 ruux ku rogmatay halka uu hada shilka uu ka dhacay, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

AAYAHANOLOSHA.NET

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

259 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>