JAWAAHIR BAARQAB: “MUQDISHO WAXAA KA FURAN GOOBO GABDHAHA JIRKOODA LOOGA GANACSADO”

Guddoomiyaha Ururka haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab ayaa sheegtay in gudaha magalada Muqdisho ay ku yaalaan guryo iyo goobo kale oo gabdhaha jirkooda looga ganacsado.

Waxa ay Guddoomiye Jawaahir ay sheegtay in goobahaasi la geeyo gabdhaha yaryar ee la soo afduubtay, kuwaasoo ay sheegtay in qaarkood laga soo celiyo qurbaha.

“Gabdhahaasi waxaa loogu tagaa goobahooda waxbarashada, kadibna waa la tashkiiliyaa oo la soo kaxaystaa, waxaana la geeyaa guryo gaar ah, jirkooda ayaana laga ganacsadaa” ayay tiri Guddoomiyaha oo intaas ku dartay in ay og yihiin Labo gabdhood oo laga keenay magaalada London dalka Ingiriiska, kuwaasoo ay sheegtay in ilaa iyo hadda ay maqan yihiin.

“Markii aad tagto xilliyada habeenkii xeebto liido, waxaad arkaysaa  gabdho badan oo Bajaaj lagu keenayo, waxaan jira meel la yiraahdo Bac-ka-sii, taasina waa faaxisho aad u weyn” ayay tiri Jawaahir Baarqab oo xustay in inta badan haweenka ay ka hadlaan qaxa iyo weliba dhibaatada haweenka loo geysto.

Waa markii ugu horreysay oo Guddoomiyaha Ururka haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab ay ka hadasho inay Muqdisho ku yaalaan goobo gabdhaha jirkooda looga ganacsado.
Hadalka ka soo yeeray Guddoomiyaha Haweenka G/Banaadir Jawaahir Baarqab ayaa noqday mid hadal heyntiisa  ay ku badan tahay magaalada Muqdisho.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

473 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>