JAWAABTII DHAMBAAL KALGACAL. W.Q: Duurgal.

Qalbiga ayaad harsataa, Xasuustaada ayaan quutaa habeen iyo maalin, Waxaan ku fikiraa aragtidaa, Jacaylka aan kuu qabana waa mid igu sii fidaya maalinba maalinta ka dambeysa.
Dhaawacyada jirkeyga gaarey iyo Nabarada ku yaala Oogadeyda, waxa igala daran walwalka iyo Calool xumada aan dareemayo in waagu kuugu baryo gabalkuna kuugu dhaco.

Ducaale waxaad tahay shaqsi qalbigeyga buuro waaweyn ka dhistey, naf aan si dhab ah u jeclaadey, ruux aan Kalgacal xaqiiq ah u qaadey. shaqsi uusan iga ba,ayn xubiga aan u hayo..
Hadaan ahay Ikraan waxaan kugu dhiiri gelin in aadan iga walwalin, in aad iska iloowdo Xusuusta danqashada leh oo aad ku badalato..mida macaan ee maalmihii uu jaceylkeenu miro dhalay..
Naftaada ku beer wanaag, naxli iyo ka sifee Xumaan, niyada ka xoree walaac,oo ku noolee dhiiranaan.

Waan hubaa marka aad qaadato waanooyinka aan kor kuugu soo sheegay, in aad noqon doonto shaqsi ka guuleystay waayaha iyo kuwa garabka siinaya..
Ducaale Ogow habeen iyo maalin in aan ku duceysto, inaga oo horumar ka gaadhney Jaceylkeena, aniga oo ka soo baxay Xabisigii iyo Silsilada lugaha iiga xiran, oo inta aan is helno dadabgalney arooskeenana ay Saaxiibadeen iyo kuwa u Ololeeya Xaquuqda Jaceylka ay ka qaybqaadanayaan Xaflad weyna la inoo dhigey.

Gacaliye ha isu dhiibin waayaha, oo ha ka baqan Cadowgeena, ha ka quusan naxariista alle, yeyna kula noqon wax lagu waari dhibta oo aan waligeed laga gudbeyn. ..Aamin in niyada birta ah aan la dhaawici karin, Noqo Xadiid aan la Mari karin.
Gacaliye Ducaale warqadan oo ah Jawaabtii Dhambaalkii Kalgacalka ee aad ii soo dirtey, ayaan kuugu soo dhiibey gabadhii ii keentey Dhambaalkii hore..
Waxaana inoo rajeynayaa in maalin un aan arki doono guusha Jaceylkeena,damaashaad iyo Xaflad aan loo kala harin loo sameynayo.

By Gacalisadaa Ikraan

W.Q. Mohamed Farah Duurgal

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

211 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>