Jaceyl aan dhalanteed aheyn dhib badanaa!!!

Dadka jila Kalgacalka khiyaaliga ah iyo Jaceylka been abuurka ah, ee ay dhalanteedka kula wadaagaan qof kale, iyaga oo u ekaysiinaya in si niyad ah oo run ku dheehantahay ay ugu hayaan Caashaq aan waxba kajirin, lama kulmaan wax dhib ah, waayo maba ku hayo Kurbo iyo walwal.

Waxaa si weyn la isugu raacsanyahay in Jaceylka halista ah ee qofka gayn kara iilka iyo in uu aakharo u hoydo, uu yahay midka runta ah ee ka fog beenta iyo iska yeelyeelka
Balfiiri Mucaashaqiinta u geeriyoodey Jaceylka ay isu qaadeen ee ay Taariikhdu qoreyso waxay ahaayeen kuwo uu run ka ahaa Kalgacalka ku beermay Naftooda, kadibna dhibtii Caashaqa soo wajahdey ay ku waayeen Nolashoodii qaaliga ahayd ee ay Jeclaayeen.

Haddaba Sabankan aan ku jirno, waa uu jiraa Jaceylkii runtaa ahaa ee dhexmari jirey lamaane ama qof kaligii uu qaado, kaas oo halistiisa leh, balse haddana waxaa jira Jaceyl aan waxba ka jirin oo la isku khayaanayo, kaas oo ujeedooyin gaar ah Xambaarsan, haddii ay ahaan laheyd dan habeen iyo haddii uu noqon lahaa mid dhaqaale kii uu doono ha ahaado.

Waxa aan aragnaa dad lagu soo khayaamey Jaceyl been ah oo aan waxba ka jirin iyada oo qofkii,khiyaaliga loo sheegayeyna uu run u maleeyo oo uu qaado Kalgacal dhab ah,kadibna kii beenta la wadey uu sharuudo keeno oo uu dhaho sidaas ii yeel am xiriirka Jaceylkaaga ayaan jarayaa..maadama uu si buuxdo u hubiyey in ruuxan uusan la,aantii noolaan karin oo uu meel dheer geeyey jacaylka uu u hayo.

Hadaba qof walba soo lama gudboona in uu iska illaliyo in uu ku dhaco Siriqda Jaceylka beenta ah ee la isu dhigayo. Kadibna Sharuud Culus la hordhigi.

Iyadoo intaas oo dhan ay jiraan ayaa haddana uu jaceylka runta ah uu halistiisa leeyahay.
Hadii uu markaa qofku waayo shaqsigii uu Calmadey oo uu Soo dhaweynwaayo.

Jaceylka kaligii uu qofku qaado waa khatar Sida midka 30 Ku dhawaadka Maxamed Axmed Dhiblaawe oo ku guulaysan waayey Qofka uu dumarka ka doortay, taas oo Caawimaad uu ka waayey, waxa uuna u marey khataro Badan, Jacayl Aan Dhalanteed Ahayn Dhib Badanaa, soo kan habeen iyo maalin jiifka u diidey, sow kan Walaaca iyo walwalka joogtada ah ku Abuurey Naftiisa, midka go,aan la,aanta u keenay, oo maalin walba uu badalayo go,aankiisii hore,ee la xiriirey horumarka iyo ka bogsashada dhaawacyadii soo gaarey.
Ilaahayow u Sahal Kalgacalka ku dheeraadey, rabiyoow gacanta u soo gali Jacaylkiisa rajo fiican ayuu sheegayaa Maalmahan dambe, Guri uu ku nasto, oo kaga bogsado booggihii iyo Nabaradii Caashaqa u dhis, Farxad iyo Nolol wanaagsan oo uu wehel ugu yahay Ruuxii uu Calmadeyna Sii, wakhti buu dhib, rafaad iyo dayro Caashaq ku soo jirey ee Nabsi bax uga dhig guusha uu rajeynayo.

Mohamed Farah Duurgal

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

279 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>