JACAYLKII QARNIGA JOHARI IYO JAALADDIISA HIBO!!!.

In kasta oo ay jiraan Mucaashaqiin Jacaylka Taariikh ku leh oo badankoodu ay ahaayeen kuwo ku guul-dareystay oo kal-gacaylkii ay isu qaadeen u god galay, kuwaas oo si weyn looga hadlo marka la soo hadal qaado Lamaanayaasha calanka u siday arrimaha jacaylka waxaana durba maankaaga ku soo dhacaya Cilmi Boodhari iyo Hodan Cabdulle Walanwal, Leyla iyo Qeys, Xuseen iyo Muliya, kuwaasoo loo qaaday heeso aad u fara badan oo jacaylkooda quseeyey, waxaana ka mid ah Heesta Jaalaleey.

“Ninkii jiir naxaayaa, Kalgaceyl jid mariyee, Jawaabtii Cilmi iyo Qeys, Muxuu jaahil ka og-yahay, Jinni iyo insibaa qiree, Haddii aan jacayl jirin, Ifka jowharad nuurtiyo, Wanaag laguma joogeen, Cirku wuxuu jeclaadaa Onkot iyo inuu jibala, Dhulka wuxuu jeclaadaa in xareedu jiiftaa, Dhirta waxay jeclaataa ubax in uu ku jaran yahay, Johari-na wuxuu jeclaadaa Jaaladdiisa Hibo, Jaalaleey, Haa jaba ha jabin, yaa jaalaley, Yaa jaalaleey, Haa jaba ha jabin, Yaa jaalaleey, Axdiguu Xuseen jiley, Muliyana ha jabin tidhi, iil inay u jiifaan, muxuu Jaahil ka og-yahay, Jawaab aniga way i tanaa, Maah-maahyo joogtaa, sow ma dhalin jacaylkuye, Dhego waxay jeclaadaan janna loogu baaqaa, Indho waxay jeclaadaan qurux in ay u jeedaan, Hadal waxaad jeclaataa xubin inuu ku joogaa, Noole wuxuu jeclaadaa Naftu halkeey u jeedaa, Jaba wuxuu u kow yahay, Markaad Jinow u yeedhee, Jaale ugu dhawaaqdee, Oo aaney odhan dheg ii jalaq”.

Haddaba iyadoo ay Mucaashaqiintaasi ay jiraan haddana waxaa lagama maarmaan ah isla markaana in la xuso ay mudan tahay kuwa ku guuleystay jacaylkoodii ee uu Miro dhalay, ayaga oo heer fiican ka gaaray Jacaylkii ay abuureen, isla markaana wada nool.

Sheekh Axmed Johari iyo Ust: Hibo Cumar waa Lamaane nolosha dadka kale ee Jacaylka iyo guurka wanaagsan la xirriira ka talo bixiya ama ka talo siiya jacaylka iyo guurka Wanaagsan iyo xiriirka qoyskana macalimiin sar-sare ka noqday, kuwaas oo ku wacyi-geliya bulshada inteeda kale sida ay ku kasban karaan guurka iyo jacayl wanaagsan, iyaga oo ah dad iskood isu xilqaamay.

Johari iyo Lamaanihiisa Hibo Cumar Jacaylka weyn ee ay isu hayaan waa mid marba marka ka danbeysa ka sii weynaanayo sidii hore, anigu waxaan u aqoonsanahay Lamaanaha jacaylka ee Qaraniga maanta aynu joogno.

Waa lamaane xil weyn iska saaray in ay dadka dhalinyaradda ah iyo waliba dadka waaweyn ku wacyigaliyaan guurka wanaagsan, adkeynta xirriirka qoys sal adag ku taagan oo abuura reer xirriir nololeed oo fiican uu ka dhaxeeyo, waana sababta ka dambeysa inay Aas-aasaan Hay’adda Happy family Academy oo bulshada wax badan ku soo kordhisay, ayna ka bixiyaan casharo iyo Koorsooyin wadajir ah, kuwaasoo faa’iidooyin u leh bulshada Soomaaliyeed dal iyo dibadba.

Ust: Hibo Cumar waa macalimad dhigta (Islamic Studies), halka Sheekh Axmed Johari Bilaal dhankiisa uu ka shaqeeyo Iskuulka Al-Hijrah waana macalin Mentor-ah, waana laba macalin oo aad loo jecel-yahay laguna amaano shaqooyinkooda gaarka ah.

Johari iyo Jaaladdiisa Hibo oo ah Lamaane is qaba ayaa haddana wuxuu ALLE ku irsaaqay Carruur laba Gabdhood (Hablood) oo aad u qurux badan, jog iyo jammaalna uu alle u hibeeyey ileen (AWLAAD JACAYL LAGU DHALAY UDGOONKA IYO QURUXDA AAD KA GARATAAYE), waxa ay ku nool yihiin magaalada Birmingham ee carriga dalka Ingiriiska.

In kastoo taariikhdooda jacayl aan qormo kooban oo maalin iyo laba aan looga sheekeen Karin haddana sida uu ii xaqiijiyey Sheekh Axmed Johari oo aan dhowr maalin ka hor kula kulmay magaalada Bergen caasimada labaad ee dalka Norway, bilowgii hore jacaylkooda waxa uu ku bilowday xanuun jacayl oo soo ritay Sheekh Axmed Johari (Bilaal), jacaylkaas oo uusan ogayn halka uu ka jiro iyo jihada looga yeerayo, ayaa haddana is bar-bar dhig dhinaca Hablo faran badan uu sameeyey yaqiinsaday in jihadda Hibo looga yeerayay, jacayl baaxad lehna laabtiisa ku beertay, halka Ust: Hiba-na dhankeeda jacayl ay u qaaday.

Muddo 5-sano ah oo ay isa-sugayeen, iyagoo aan kala fogayn dhinaca qalbiga ayay haddana waxa ay ku kala noolaayeen laba qaaradood Ust: Hibo Cumar oo halkaa iyo qaarida Afrika ku nooleed, ahna gabadh asturan, shaqeysata oo nin kasta oo lacag leh-na uu soo maagayo si uu nolosha ula wadaago iyo Sheekh Axmed Johari Bilaal oo qaarada Europe ku noolaa oo naago cadaan iyo kuwo madow ahba ay weerar ba’an ku hayeen si ay mar uun nolosha ula qeysadaan, haddana qof waliba dhankiisa ayuu la hardamayay duruufo adag oo cadaw ku ahaa Jacaylka Johari iyo Jaaladdiisa Ust: Hibo iyo damaca gayaanka soo weerartamayay oo ay hardan dagaal laba-geesood ahi kula jireen, waxay ugu danbeyntii si wadajir ugu guuleesteen yagleelida nolol qoys oo jacayl iyo farxad ku dheehan tahay….iyagoo mideeyey labadooda qalbi si aad ahna isugu xirmay.

Waa lamaane Nolosha iska caawiya…dhaqankooduna uu aad u wanaagsan yahay si caqli, Hammi, Dareen, Dhaqaale, isku naxariisashada iyo ruux ahaana isku xirmay, waxayna taas u sii siyaadisay farxadda iyo jacaylka laabtooda ku beeran, taasoo ay maanta dad badani ku haminayaan inay noloshaas ku dhisan jacaylka iyo is qadarinta ay helaan.

Johari iyo Jowharaddiisa Ust: Hibo Cumar waxay isu muujiyeen qaddarin iyo xushmad, waxayna iskula dhaqmaan dabeecad iyo akhlaaq wanaagsan, waana astaamaha ka midka ah kuwa guuleysta (ALLOOW LAMAANAHA MUSLIMIINTA DHEXDOODA WANAAJI OO KA DHIG SIDA JOHARI IYO JAALADDIISA HIBO).

Ugu danbeyntii Jacaylka Johari iyo Jaaladdiisa Hibo waa riyo dheer oo macaan badan isla markaana u rumowday riyadaas macaaanta badan ee ku dayashada muddan, waana sababta aan anigoo ah qoraha Qormadan u xushay (JACAYLKII QARNIGA JOHARI IYO JAALADIISA HIBO).

HALKAN HOOSE KA DAAWO QAAR KA MID AH SAWIRADDA JOHARI IYO JOWHARADDIISA HIBO.

 

W/Diyaariyey:- Bile Mohamed Abdi (Bile Baastey).

Email: baastey11@hotmail.com

Bergen-Norway.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,126 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>