JACAYLKII GALAY GABADHA NAAFADA AH!!.

Waxaa dhawaan TV-ga Qaranka SNTV laga soo daayay barnaamij uu Maxmed Xassan Shaaciye ku soo bandhigay buu uu isaga qoray oo la magacbaxay (U HIILI NAAFADA).

Dabcan Maxamed waa naafo laakiin waa qof caqli badan si qoto dheer ayuu u sharxay baahiyaha ay qabaan dadka naafada ah sida waxbarashada, fursadaha shaqo iyo nolosha iyo jacaylka intuba.

Waxaa isoo jiitay qiso jacayl oo uu buuga ku xusay oo dhexmartay wiil iyo gabar naafo ah, hase yeeshee aad u murugo badan qisada buugga ku qoran.

Wuxuu yiri “Wiil iyo gabar ayaa mudo kuwada xiriirayey baraha bulshada sawiro iyo sheekeeyin jacayl ayaa la isdhaafsaday mudo kadibna waxaa lagu balamay in la kulmo oo si ka waji ka waji ah la isku arko”.

Maalin ayaa lagu balamay in meel hebla lagu kulmo laakiin nasiib daro gabdhii waxay ku socotay gawaarida ay isticmaalaan dadka naafada ah telefoon baa la isku hagayey wiilkii muddo meeshuu taagnaa hadba wuxuu wacaa gabdhii iyadiina kama foga way agtagan tahay oo kama foga balse isagajoogay wuxuu ku oranayaa walaleey idaa qof igu qaali ah ayaan sugayaa, mase oga qofta uu sugayo inay iyadu tahay.

Markii dambe xogaa lacag ah intuu jeebka ka soo saaray buu gabadhii u dhiibay ileen wuxuu u haystaa qof maskiin ah iyadiina waxay ku qaylinaysaa “Caliyow waa hebla qoftii aan shukaansan jirtay”.

Waa bulsho aaminsan qofkasta oo naafo ah oo gaari ku socda inuu yahay maskiin laakiin aniga waxaa ila habooneed inay u sheegto ama haku qanco ama ku diid xiriirkaas.

Nasiib daro kolkuu u catoowday in gabadhii uu la balansanaa inay naafo tahay halkii ayuu kaga dhaqaaqay jacaylkiina waa burburay.

AAYAHANOLOSHA.NET.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

473 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>