JAAJAR TELEFOON OO SABABAY DHIMASHADA KU DHAWAAD 10-RUUX

Siddeed qof oo hal qoys ka soo jeeda ayaa ku naf waayay, afar ruux kalena way ku dhaawacmeen kadib markii uu dab ka kacay Jaajarka Telefoonka lagu dabeeyo  oo qarax xooggan sameeyay xilli telefoonno lagu Jaajar gareynayay, kaasoo sababay in uu gebi ahaanba guriga uu gubto.

Dhacdadan murugada leh oo ka dhacday magaalada Abu-dabi ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxaa baahiyay Jariidada Emarate’s Today ee ka soo baxda dalkaasi, waxaana sidoo kale lagu baahiyay baraha bulshada.

Afarta ruux ee ku dhaawacantay qaraxaas ka kacay guriga ee uu Jaajarku sababay ayaa la dhigay Isbitaal, waxaana la soo sheegayaa in ay koomo galeen.

Aabaha iska leh guriga gubtay oo lagu magacaabo Badyawi Al-kathiri ayaa saxaafadda u sheegay in dhacdadaasi ay ku geeriyoodeen Siddeed qof oo kala ahaa Labo gabdhood oo uu dhalay, Nin iyo gabar isaga la dhashay iyo gabar uu adeer u ahaa oo uu dhalay walaalkiisa dhintay iyo Sadde carruura oo ay dhashay walaashiisa iyana geeriyootay.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

634 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>