ISKUUL LAGU CIQAABAY GABAR AFAR SANO JIR AH OO ALBAABADA LOO LAABAY

Gabar yar oo da’deedu tahay 4 sano jir ayaa waxaa la xaqiijiyay inay macalimaddeedu jir dil fool xun u geysatay.

Macalimad kale oo macalimaddaasi jir dilka geysatay la walaalo ah oo iyana ka hawl gasha dugsigaas ayaa Telefankeeda gacanta kaga duubtay muuqaal muujinayay sidii gabadhaasi yar loo jir dilay, waxayna muuqaalkaasi ku baahisay Whatt’s app-ka.

Dugsiga falkani uu ka dhacay oo ku yaala magaalada Iskandariya ee dalka Masar ayaa ah  Dugsiyada barbaarinta carruurta.

Waalidka gabadhaasi yar dhalay ayaa waxay arrintan aadka u foosha xun ka ogaadeen Whatt’s app-ka waxaanay isla markiiba wargeliyeen wasaaradda waxbarashada ee dalkaasi iyo wasaarada Qoyska iyo Arrimaha Bulshada ee dalkaasi.

Ma’suul ka tirsan wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ee dalkaasi ayaa wareysi uu siiyay shabakada Wararka ee Al-arabia ku sheegay in gabi ahaanba dugsigaasi oo magaciisa la yiraahdo Janat Al-Difil Al- saciid albaabada loo laabay, sidoo kalena macalimaddii falkaasi geysatay sharciga lala tiigsanayo, laguna fulin doono Ciqaab aad u adag.

Waalidiin badan oo dalka Masar ku nool ayaa sheegay in ubadka yaryar aan lagu aamini karin Dugsiyada noocaasi oo kale ula dhaqmaya carruurta yaryar.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

634 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>