ISKUUL GABAR LAGU KUFSADAY OO HOWSHIISII LA HAKIYAY

Dugsiga Gabdhaha  Moi Girls’ School ee magaalada Nayroobi dalka Kenya oo dhawaan gabar Ardayad ah lagu kufsaday  ayaa Wasiirka Waxbarashadda ee dalkaasi Kenya Aamina Maxamed waxay ku dhawaaqday inay hawshii ka joojisay Guddiga dhismaha Jiifka ee Dugsigaas.

Maamulihii Dugsiga Moi Girls’ School oo lagu magacaabo Jael Mureithi ayaa waxaa iyadana loo diray howlgab la soo horumariyay, sida ay sheegeen Guddiga Adeegga Macallimiinta Kenya.

Dhinaca kale, Wasiirka Waxbarashadda ee dalka Kenya, Aamina Maxamed waxay amartay in  dib-u-habayn lagu sameeyo ammaanka Dugsigaasi oo ku fadhiya 42 acre, waxayna xustay in marka isbedelka lagu sameeyo ammaanka inay Ardayda, Macallimiinta, Waalidiinta, shaqaalaha iyo dadka kale ee soo galaya Dugsiga la baari doono, kahor intaysan gudaha u sii gudbin.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

279 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>