MA DOONEEYSAA INUU GUURKAAGU NOQDO MID LAGU NEGAADO

Written by ismacil cumar on .

Waxaa hubaal ah oo aanu shaki ku jirin in guurku uu yahay qeyb muhiim ah oo ka mid ah nolosha qof kasta iyo bulsho kasta oo ku dul dhaqan adduunkan, gaar ahaan haddii aynu nahay bulsho Islaam ah guurku waa waajib saaran qof kasta oo muslim ah, waana arrin ay diinteenu dhiirigelineyso in badan, Soomaalida ayaa tiraahda caws jiilaal waa lama huraane in qof Muslim ah oo cafimaad qaba oo Alle cimriga u dheereeyo uu guursado waa lama huraan, qof kastaa lab iyo dhedigba wuxuu jecelyahay oo uu ku taamayaa guur guuleysta oo reer uu ku nasto, su’aashuse waxay tahay qof kastaa ma yaqaanaa sida uu u gaari karo guur guuleysta iyo gurio uu ku nasto.

Iyadoo diinteena Islaamku ay wax kasta ka hadashay oo iftiimisay oo haddii aynu ku dhaqano ay wax kastaa inoo hagaagayaan ayaa haddana waxaynu bal eegi doonaa daraasado badan oo la sameeyay oo looga danlahaa bal sida lagu gaari karo guur guuleysta {Successful Marriage}, maqaalkan oo kooban bal aynu ku yara iftiimino qaar ka mid ah wadooyinka loo mari karo guur guuleysta, waxaana muhiim ah in qof kasta oo guur doon ah maba guursaday uu sameeyo amaba uu raaco qodobadan kala ah:

Xiriir Jaceyl Contact of Love: Sida lagu ogaaday dar-aasado badan wada xirirka wanaagsan ee dhexmara la maanayaasha ayaa ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee looga baahanyahay qofka guurka guuleystay- ama nolosha lamaanaha ee guuleysatay gala, hadaba- lamaane ma wada xiriiraan lamaanaaga kale? Dhibaatooyinkiina ma ka wadahadashaan, xalkooda ma doontaan, ma is dhageystaan mise waad wada murantaan, ma- is fahantaan, lamanayaal guuleystay ayaa yiri sidra guushayadu waxaa weeye waxaanu ka wadahadalnaa dhibaatooyinkeena, waanu is dhageysanaa xalka ayaanu doonaa wada xirirkaasina wuxuu naga caawiyaa inaan isku dhawaano, had-aba haddii xiriir aanu jirin waxaa dhalanaya caro sii kororta, xiisadda cirka isku sii shareerta, maqal la’aan waa is fahan la’aan iyo wax kala qaadasho la’aan, balse si loo gaaro midda laga doonayo wada xiriirka waa inay dheehnaataa wada xiriirka is qadarin, ixtiraam, deganaan, maamuus, tixgelin, iwm.

Qadarin iyo u khushuucid {Admiration and respect}: Sideedaba mid ka mid ah dhaqamada dadka ee wanaagsan ayaa ah qadarin qofku dadka qadariyo iyo aqbalid qofku wax aqbalo sidaas daraadeed guurka guuleysta waa in sal iyo sees looga dhigaa is maqal, is qadarin iyo wax kala qaadasho, labada lamaane ee is jecel, is taageera, is qadariya, is xushmeeya, guusha isugu hambalyeeya, isku bogaadiya waxaa hubaal ah inay guurkoodu guuleysanayo.

Saaxiibtinimo {Companionship}: Mid ka mid ah sababa leysku guursado ayaa ah wehelnimo, hadaba lamaanayaasha guuleystay waxay isla qaataan wakhti raaxo leh, waxay ku wada raaxeystaan wada joogitaankooda, waxay wada wadaagaan waxyaabaha guud ee ay wada xiiseeyaan, waxay isku qaderiyaan waxyaabaha gaar ahaaneed ee midba gooni u xiiseeyo, balse waxaa hubaal ah inaanu guuleysaneyn lamaanaha aan wada saaxiibin, dhibaatooyinkuna waxay soo baxayaan marka lamaane kastaa kan kale ka xiiseeyo asxaabtiisii hore ama kuwa hadda ama qaraabadiisa, qoysas badan ayaa burbura waayo waqti yar ayey is arkaan,waqti la’aanina waa cadowga iyo feyruska lamaanaha caafimaadka qaba.

La soco qeyb kale oo xiiso leh Arbacada dambe

Waxaa diyaariyey: Ismaaciil Cumar Madoobe {Caaqil yare