“INA KEENA AAN SOO WADA TUUGSANEE”.

Nin Miskiin ah ayaa Albaab Guri oo aad u Qurux Badan soo istaagey oo yiri “Magan Alla“ markaas baa la yiri “ Adeer waxba ma hayno” Markaas Buu Gabadhii Alaabka ka Furtey ku yiri “Waa yahay Xaley Wixii Baarey ama soo Harey ha la ii raadiyo “ markaas bay Gabadhii waxay ku yiri “ Adeer Waxba ma Baarin Xaley ” Markaas buu u sii Dabadhigey Waa yahaye Galaas Biyo Madow oo iska caadi ah Tubada iga siiya “ inta ay Cabaar maqnaatey ayey Dib u soo laabatey bay Miskiinkii ku tiri “Adeerow Biyo ma Haysano” markaasuu buu ku yiri “

Waa yahaye Aabbe iyo Hooyo ma joogaan buu weydiiyey, markaas bay ku tiri “Haa Adeer waa Joogaan ee Maxaa ka rabtaa” waa ku sii celiyey “Aabbe iyo hooyo Maadhaay iigu yeer:” Markiiba inta dIb u laabatey ayey Aabbe iyo Hooyo u yeertey, markii ay u yimaadeen Miskiinki buu ku yiri “Waxba isma Dhaanee oo isku mid baan nahaye ee adinka iyo Carurtiina ee ina keena aan soo wada Tuugsanee”

Sheekadaan waxay na Tuseysaa Bakhiilnimada meeshey Gartey marka Dadka Masaakiinta ha loo naxariisto ee weliba soo istaaga Alaabada Guryaha, Weliba Xiligaan aad bay u yaraatey Lacagtii kunka Shilin ee loo taagi jirey Masaakiinta, marka aan yeelano Iimaan aan ku bixino Nus Doolar ama Hal Doolar ee EVC ah.

Amiin Yuusuf Khasaaro.

Aayahanolosha.net

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

279 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>