ILMO YAR OO QASHIN LAGA DHEX HELAY

Cunug Saacado dhalan ayaa laga helay mid ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho, waxaana la dhigay goob qashin uu ka buuxo.

Canugaas yar oo oohintiisa la maqlay ayaa waxaa laga helay xaafadda Kaawa-godeey degmada wadajir ee Gobolka Banaadir, waxaana laga soo dhex saaray qashin tubnaa geed hoostiisa oo sidoo kale ay ka baxayeen geedo badan nooca loo yaqaano Cali Garoobka.

Waxaa la tuhmayaa in canigaas yarka ah ay soo tuurtay Hooyadii dhashay, waxaana loo malaynayaa in uusan ku dhalan meher xalaal ah, taasoo ku xambaartay hooyadii dhashay inaysan sii heysan canug aan aabo la yaqaano laheyn.

Canugan yar oo uu soo qaaday nin lagu magacaabo Yuusuf Ibraahim Yacquub ayaa waxa uu sheegay inuu isagu xanaaneynayo maadaama aan la garan hooyadii dhashay ee ku tuurtay goobta qashinka.

Dhacdooyinka la xiriira Ilmaha in la tuuro markii la dhalo ayaa ah kuwo dhowr jeer ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, waxaana lala xiriirinayaa inay ku timid in uusan wax nikaax ah markii hore ku dhalan.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,179 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>