HOOYO SOOMAALIYEED OO HOTEL KU YAALA MUQDISHO LAGU KUFSADAY KADIBNA LA SUMEEYEY.

Hooyaddan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Sumayo Yuusuf Barkhadle ayaa aroornimadii hore ee saaka Meydkeeda laga helay afaafka hore Hotel Caamir oo ku yaala xaafadda Baar Ubax ee magaalada Muqdisho.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka Isbitaalka Madiina iyo saraakiil ka tirsan Hay’ada dambi barista ee CID-da waxay sheegeen in Sumayo Yuusuf Barkhadle dilkeeda loo adeegsaday Sun la cabsiiyey, intii aan la sumeyn kahorna waxaa loo geystay fal dambiyeed isugu jira, jir dil, kufsi ilaa ugu danbeyntii la sumeeyey ilaa ay ka naf baxday.

Sumayo waxay ifka uga tagtay afar carruur ah oo aabahood uu geeriyooday, waxaana nolosha koriimaha carruurta dhabarka u xiratay Hooyo Sumayo, hase yeeshee waxaa si arxan daro ah u kufsaday kadibna u dilay nin sida la sheegay ay haasaawe wadaag ahaayeen, balse lama oga halka uu jaan iyo cirib dhigay iyo ujeedka uu nafteeda qaaliga ahayd u dhaafiyey, isla markaana carruurteeda oo markii hore agoon ahaayeen iminkana ugu dhigay hooyo la ‘aan.

In kastoo meydka Hooyo Sumayo aan wali la aasin haddana dareen murugo iyo xannuun badan xambaarsan ayay ku beertay carruurteeda oo kan ugu weyn la sheegay inuu 13-sano jir yahay.

Dhacdadan ayaa intii maqashay waxay ku beertay uurkutaalo aad u xannuun badan, waxayna guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay cadaalada horkeenaan dadkii ka dambeeyey falkaasi wuxuushnimada ah ee lagula kacay Hooyo Sumayo Yuusuf Barkhadle.

Aayahanolosha.net

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,335 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>