HOOYO IYO CARRUURTEEDA OO KU DHINTAY QARAX GURIGOODA KA DHACAY

Hooyo iyo Afar carruur ah oo ay dhashay ayaa ku dhintay qarax ku qabsaday gurigooda kaasoo ka dhashay Bir ay muddo sannooyin ah isticmaalayeen.

Qaraxan oo ka dhacay guri ay deganaayeen Qoys ka kooban 7-ruux ayaa waxaa ka badbaaday aabaha iyo wiil yar oo iyagu xilliga qaraxa uu dhacayay guriga ka maqnaa.

degmada Dhagax Madow ee dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya oo qaraxan uu ka dhacay ayaa la sheegayaa in uu ka dhashay Bir ay muddo dheer qoysku u isticmaali jireen Tib (Kal) oo ay Heelka, Qarfaha, Sanjabiilka iyo waxyaabo kale ku tuman jireen.

Warku wuxuu sheegayaa in Wiil yar poo reerka ka tirsan uu Birtaasi ku garaacay bir kale, kadibna ay qarax sameysay, iyadoo la ogaaday in birtaasi ay ahayd haraaga miinooyinkii la adeegsanayay markii uu socday dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee 1977.

Gudaha dukaan ay qoysku lahaayeen ayuu qaraxaasi ka dhacay, waxaana ku dhintay Shan ruux oo ka koobnaa Hooyada iyo afar carruur ah oo ay dhashay, waxaana ka badbaaday aabaha iyo hal canug, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay dad deriska ka mid ah oo dukaanka ka adeeganayay.

Waxaa la ogaaday in ay jiraan dad badan oo guryahooda ku isticmaala Birtan ay u isticmaalaan Tibta, iyadoo la soo sheegayo in qaar badan oo dadkaas ka mid ah ay  birtaasi iska tuuteen, markii ay ka war heleen in qoyskaasi ay ku qaraxday birtaasi.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,335 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>