HEESTA {BEEN GO’ LAGU DEDAY} IYO QISADII LAGA SAMEEYAY

Heesta BEEN GO’ LAGU DEDAY oo ah hees cusub oo  dhawaan la sameeyay uuna ku luuqeeyo fanaanka Maxamed BK  ayaa abwaankii alifay oo lagu magacaabo Sadiiq Maxamed Burmad waxa uu ka waramay qaabka ay qisada heesta ku timid, wuxuuna ku bilaabay:-

“Weligay Hees kama samayn qiso qof ku dhacday oo uu iiga sheekeeyay, ka sameena iima qorshaysnayn, sababtu waxa weeye qofbaa kuu warramaya, arrinta uu kaaga warramayaana laba qof ayay u dhaxaysaa.
Markaa kolay qofkaasi wuxuu kuu sheegayaa waa dhiniciisa oo kolay wuu is garsiinayaa, hadii qofka kale wax laga waydiin lahaana kolay isna waxaad ka garowdo wuu sheegi lahaa. Taas ayaan iskaga illaalin jiray, Balse way dhacday oo markii qisadan la iiga warramay isma ogaynba goor aan heestan qoray.
Waxay noqotay heestii iigu su’aalaha badnayd, Oo dad tiradoodu laba boqol hadaanan danbaabayn gaadhayso ayaa isoo waydiiyay qisada aan ka sameeyay heestan. Dhib ayay igu noqotay inaan qofqof uga sheekeeyo maadaama aanu facebook ka wada hadlaynay. Markaas ayay igu dhalay inaan wax yar ka qoro qisadii la’iiga waramay ee heesta igu dhalisay waana tan:

Qisadii Heesta

Aniga, Jaylaani, Daa’uuud Xanfar, Cirro, Xidhibaan Cagayare Abokor­diino iyo Laabsaalax, ayaan ka xasuusnahay dadkii aanu habeenkaa wada joognay, intaas laakiin waanu ka badnayn. waxaanu kolba mawduuc ka sheekaysanaba, illeyn sheekaba sheeko ayay keentaaye, waxa noo bilaabay Abwaan Cabdiweli Saxardiid Xirsi mid ka mid ah waayihiisii jacayl ee soo maray, Gabadh ay xidhiidh lahaayeen muddo saddex sannadood ah.
Jacaylka baaxadda leh ee uu u qabo ayaa ku waajibiyay in aanu habeen qudha ka maqnaan la cawaynteeda oo gurigooda ayuu ugu tagi jiray, inyar markuu sheekada wadaba dhaar ayaa lasocota uu noogu muujinayo inta uu jeclaa inta ay gaadhsiisnayd, waxase uu hubay inaanay iyadu jacaylkiisa habeen ku seexan, subaxna kusoo toosin.
Markuu fiidkii kusoo socdo waxaa ku badnayd mudada kooban ee uu jidka kusii jiro, yaa ku duuliya ayuunbaa niyadiisa ka buuxday, habeen kasta oo uu kasoo hoyanayana isagoo qalbigu jaban yahay oo hadii sodon nabar oo hore ku yaaleen lasoo hoyday shan iyo sodon nabar ayuu kasoo carraabi jiray, agteedana wali farxad kalamuu kulmin, kamanuu maqnaanin.
Waa nin Aftahan ah, Xigmaawi ah oo sheeko badan, haddaad dhegaysato marlay waad qoslaysaa, waana sababta ay saddex sanno xidhiidh-ku-sheega ugula jirtay ninkan iyadoon jeclayn, waxay ka heli jirtay sheekooyinkiisa qosolka leh.
Inta ay dhagaysanayso sheekadiisa ee ay qoslayso mooyee inta kale ee uu sheekada yar joojiyo runtaa markiiba soo bixi jirtay oo wuxuu eeddo ayuu kala kulmi jiray, waayo isla markaba waxay garaacaysaa Innamo kale oo Somtel sita, muddo ayay ninkii ku dul sheekaysanaysaa, barnaamijyo dhallinyaranimo ayaa lagu dul faaqidayaa, waa la qoslayaa intaa oo saacadood lagu dul haasaawayaa, hadii aanay iikaalay odhanba ninkay la hadlayso.
Waabay dhacday taasi oo habeen wax uu sheekada wadoba markii dambe Telefoon ayaa kusoo dhacay heblaaayo! Bariido iyo sheeko kadib waxaabay ninkii tidhi ii kaalay gurigii ayaan joogaaye!, oo yaa kula jooga? Cidna yaa ila joogi lahaa, waar ii kaalay waan kuu baahnahay WALLAHI ii kaalay!, Hadda hadalka sidaas ayay u leedahay, ninkii wax jeclaa wuu maqlayaa, oo dhagaha waxba loogama duwayo, Oo waayo? Bal adba!!.
Ninkii telefoonka looga yeedhay markiiba soo gal gurigii, iyana kal iyo laab usoo dhawaysay oo meel quruxbadan la fadhiisi, Sharaab iyo barkimooyin aanu Cabdi habeen qudha arag loosoo dhig, Cabbaar markii la wada fadhiyay, Heblaayo hadashay oo Cabdi ayay ku tidhi “caawa waad raagtee miyaanad hoyanayan?…..”
Habeen kale isagoo sii ordaaya, Oo halkee ku ordaya? Ma meel kale ayuu ku ordaaba meelbaa u muuqatee, intii uu jidka ku soo jiray ayuu telefoonkeedii garaacay si uu ugu sheego inuu soo socdo, Markuu garaacay waxay tidhi “caawa hay imman waan xanuunsanayaaye”!.
Qalbigiisu kuma qancin oo iyadoo xanuunsanaysa inuu ka agmaqnaado kuma callool sama, waase amar oo kam daba hadli karo, Hadii kale balaayo ayaa ka dhacaysa meeshaa, isna wuu qabatimay, Iska noqoy oo is yidhi Madaxtooyada oo xafladi ka jirtay caawa wakhtiga isku soo dhaafi.
Markuu cabbaar dhex joogay xafladdii Madaxtooyada waxa dhagihiisa soo jeediyay, qalbigiisana soo jiitay qosolka gabadh meel wax yar u jirta ka qoslaysa, Qosol iskuma jiree qosolka heblaayo waxa uu ahaa quudka laabtiisa oo caawa ka qatan. Qosolku qosolkii u ekaa!.. degdeg markuu dhinaceeda u eegayba waaba lafteedii!. Waar malaha waa indhahaaga waatii iyadu xanuunsanaysaye!.
Aragiisii ayaa damay sidii qof dawakhay, buqii xafladana maqliwaa oo dhagihiisa kaliya waxa u baxayay garaaca wadnihiisa oo kor u kacay, maqaarkiisa oo dhan dareenkii ayaa ka guuray. Hadii la sari lahaa malaha dhiig kama yimaadeen, Kamuu soo jeedsan dhankeedii mana arkayo waxba oo aragii ayaa tushuush kaga furmay, xabbad ku dhacda xaaladan uu la kulmay ayaa kaga xanuun kululayd, waa daqiiqado darnaa oo soo maray. Ilaahayoow riyo iiga dhig ayuu niyada ka lahaa.
La dhib yaraa, iyadabaa gacanta halkaas kasoo taagtay oo salaantay iyadoo Nin ay wada socdeen uu dhinac fadhiyo.
Laa shidda!. Caadigeedii ayay iska tahay oo lurba iyada kuma hayso beenta ay sheegtay iyo barta ay joogto ee uu Cabdi ugu yimi.
Kacyoo u tag, Waxay is bartay saxiibkeeen iyo wiilkii iyada la socday oo midba midka kale ay ku tidhi waa asxaabta ee barasho wangsan. Barashadaaba dhacdaye laba nin oo bakhtiisan ayaa is gacan qaaday.
Cabdiweli waxba kama waydiin sida ay wax u jiraan iyo beenta ay u sheegtay midna, Oo muxuu ka waydiin ma isagaa kuba dhaca. Wuu ogyahay hadduu badahaas galo in xidhiidhka yar ee beenbeenta ah ee ay kula jirtaana meesha ka baxayo. Isagaa ku futo xun, Waligiiba tabashadiisa waxba kama waydiin jirin oo xaaladdu sidan uunbay habeen walba iska ahayd.
Waxase dhacay wixii dhici jiray. Oo maxay ah? Dee inay iyaddu daallac u raacdo. Markii xafladdii laga soo baxay ayay soo garaacday.
“Waryaahee nin xun ayaad tahay, Wallaahi sidan kuma moodeyn, annigana waad I lugoysay” ayay tidhi. “Oo maxaa dhacay” ayuu yidhi?
“Jacaylka aad sheegto oo dhan waa been waxba kama jiraan markaasaad mushaki-nimo ku darsasatay” ayay ugu jawaabtay. “Oo waayo maxaan sameeyay?” ayuu waydiiyay?
“Maxaad wajiga la giiraysay ee aad Innamadd aanu asxaabta nahay uga hinaasaysaa, wajigaagaanu ka garanaye”, ayay tidhi.
“Walaal! Wallaahi raalli ahow, Maan hinaasin, Waan kugu naxay uun. Wallaal macaan ha iga cadhoon waan ku jecelahay, imika ma nabad hoyatey waan kaa werwerayee?” ayuu yidho.
“WAANAN RAALLI GALIYAA BAL INAAN LAKALA GO’IN”

Erayada heesta

Go’e caashaq kaligaa
kuu galay qof kula galay
axdiyoo misana gabay

anna wayga go’an tahay

iyaduna gub mooyee
qalbigiisa gooyoo
gurmad caashaq may noqon

caashaqii guyaal jiray
waa goof dhankeedoo
iyo bishimaha guudkood
iyo been go’lagu daday

garna wali kamaan helin
waxan guudka saartaa
eed aanan wali galin
waanan raali galiyaa
bal inaan lakala go’in

inkastooy gaf badan tahay
hadalkeedu gudin yahay
meel goysa daran yahay
gubashana ibada yahay

ma jiraan waxaan galay
waa haygu garan iyo
ka galgalo xaqiiqada

jacayl lagu gabood falay
ileen waa gumaysiye
waxan ahay nin gacan galay
oo cadaawe loo gigay….

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

306 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>