DALKA SACUUDIGA OO HAWEENKA LOOGU QABTAY TARTAN LAYAAB LEH

Iyadoo horey haweenka u dhashay dalka Sacuudiga looga mamnuucay arrimo badan oo is dhexgalka bulshada ah ayaa haatan waxaa loo qabtay markii ugu horeesay tartanka baaskiilada dumarka.

Tartankan baaskiilada ee loo qabtay haweenka Sacuudiga ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Jiddah ee Boqortooyada Sacuudiga, waxaana ka qeyb galay 47-Ddumar oo baaskiilka kaxeynayay ilaa 10-KM.

Haweenka ka qeybgalay tartankan oo aad ugu faraxsanaa ka qeyb galka tartanka noocan ah ayaa waxaa  soo abaabulay koox la magac baxday (Noqo qof fir-fircoon) waxaana gacan weyn ka geesatay dowaladda Sacuudiga.

Tartankan oo dad badan layaab ku noqday ayaa siyaabo kala duwan looga fal celiyay, waxaana jiray dad badan oo soo dhaweeyay tartankan halka kuwa kalana ay dhaleeceeyeen.

“Aniga sheekh diinta ku xeel dheer ma’ihi balse maahan in dumarka ay baaskiil ku dhex wadaan meel shaarac ah oo ay cawradooda u muujiyaan ragga, haddi ay gabadhu dooneyso in ay baaskiil waddo waa in ay meel aan dadna joogin  ku waddaa.” ayuu yiri qof ka argti dhiibtay arrintaasi.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sanadkii 2013-kii amar ku bixisay in aan dumarka loo ogolaanin inay baaskiil ku wadaan goobaha lagu nasto, sidoo kalena  wadooyinka ku dhax wataan baaskiil, balse haatan isbedelka ku yimid go’aankaas aan la mogeyn ujeeddada ka dambeysa.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa hadda waxaa ka socda isbadal xoogan oo meesha looga saarayo dhaqamo badan , waxaana horey dumarka dalkaasi loogu fasaxay in gaadiidka wadan karaa sidoo kale garoonada ciyaaro ka fiirsadaan.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

306 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>