HAWEENEY SOOMAALI AH OO MAXKAMAD LAGU SOO TAAGAY DALKA NORWEY

Haweeney Soomaali ah oo ku nool dalka Norwey ayaa la soo taagay Maxkamad ku taala magaalada Oslo ee dalka Norwey.

Haeeneydan oo loo heysto dembi la xiriira inay dooneysay in ay ku biirto koox argagaxiso ah ayaa xeer ilaalinta dalka Norway waxa ay xeer beegtida maxkamada Oslo ka codsaday in 5 sano oo xabsi ah lagu xukumo.

Haweenaydan Soomaalida ah oo ah 31 jir heysata Shan caruur ah ayaa sanad ka badan ku jirtay xabsiga ayadoo laga qabtay garoonka dayuuradaha ee Oslo.

Waxaa xogta lagu soo xiray Sirdoonka Norway u soo gudbiyey sirdoonka U.K oo xiligaas xabsiga dhigay nin ay Haweeneydan xiriir la laheyd, kaasoo markii dambe 8 sano oo xabsi lagu xukumay.

Haweeneydan Soomaalida ah oo aan magaceeda la shaacin ayaa noqoneyso qofkii ugu horeeyay ee dumar ah oo Norway lagu soo taago dambi la xiriira argagaxiso.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,179 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>