Haweeney Somali-Canadian ah oo u ololeysa dhaqdhaqaaqa dhalinyarada ayaa loo magacaabay xubin ka tirsan Golaha La-talinta Ra’isul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau.
Haboon Cali oo haatan Ardayad ka ah Jamaacadda University of Toronto ayaa u sheegtay Shabakadda Muslim Link in loo magacaabay xubinnimada Golahaasi oo 20 qof ka kooban, kuwaasoo dhinaca La-talinta ugu qaabilsan Ra’isul-wasaaraha dalkaasi.
Iyadoo ka hadleysay howsha loo xil-saaray waxay tilmaantay in iyada mas’uul ka tahay bixinta tallooyinka Ra’isul-wasaaraha Canada iyo Xukuumadiisa laga siinayso dhinacyada Caafimaadka Dhimirka, Dib u heshiisiinta Shucuubta Asaliga, Kala duwanaanshaha, Hal-abuurka iyo Kobaca Dhaqaalaha.
Mar wax laga weydiiyey waxay ku soo kordhinayso Dhalinyarada ku nool Canada, waxay Haboon Cali sheegtay inay u istaagi doonto sidii ay u heli laahaayeen dhiirigelin iyo inay Siyaasadda ka soo muuqdaan.
Soomaalida xilalka sare ka qabanaya dalka Canada ayaa muddooyinkan sii kordhayey, waxaana ka mid ah Soomaalida jagooyinka sare ka haya dalkaas wasiirka socdaalka iyo xildhibaan dhowaan ku guuleystay inuu ka mid noqdo golaha degaanka magaalada Ontario ee dalka Canada.
Aayahanolosha.net