HAWEENEY MASAARI AH OO SHEEGTAY INAY TAHAY XAASKA WARIYE JAMAAL KASHOGGI

Wargeyska The Washington Post ayaa daabacay wareysi uu la yeeshay Haweeney u dhalatay dalka Masar, taas oo sheegtay inuu si qarsoodi ah u guursaday Suxufi Jamaal Khashoggi, dhowr bilood ka hor inta aan lagu dilin Qunsulliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Haweeneyda waxay magaceeda ku soo koobtay H. Atr, iyadoo codsatay inaan magaceeda oo dhamaystiran la shaacinin sababo ammaankeeda iyo shaqadeeda la xiriira.

Waxay tilmaamtay inay munaasabadda Meherka si qarsoodi ah loogu qabtay magaalada Washington, iyadoo aysan ka warqabin Xaaskiisa Turkishka ee Khadiija Cengiz iyo xubnaha Qoyska Jamaal Khashoggi.

Waxay Wargeyska Washington u soo bandhigtay caddaymaha Xafladda Meherka iyo Sawirro ay la gashay Jamaal Khashoggi.

Haweeneyda Masaariyadda ah waxay codsatay Ka Xaas Muslim ahaan in la siiyo Xuquuqdeeda oo buuxda iyo in loo ictiraafo inay tahay Xaaskii Saxafigaasi.

Dhinaca kale, mid ka mid ahaa saaxiibadii khaaska ee Saxafiga la dilay oo  codsaday inaan magaciisa la shaacinin ayaa isna waxa uu u sheegay Waregeyska The Washington Post inuu goob-joog ka ahaa Munaasabaddii uu Jamaal khashoggi ku mehersaday Haweeneyda Masaariyadda ah ee haatan isa soo bandhigtay inay tahay Xaaskii Jamaal Khashoggi.

Baraha Twitter-ka ayaa la soo dhigay Sawirrada iyo magaca haweeneydaas oo lagu soo gaabiyey H. Atr.

Jamaal khashoggi ayaa kahor intaan la dilin wuxuu Safaaradda Sucuudiga ee Istanbul ku taalla u tagay inuu ka soo qaato waraaqaha Gabadh xilligaa la socotay oo uu doonayey inuu guursado.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

634 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>