HAWEENEY LAGU DILAY MAGAALADA GAALKACYO

Dil loo adeegsaday Toorey ayaa habeenkii xalay waxaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug loogu geystay Haweenay.

Dilka haweeneyda ayaa la sheegay in kooxdii geysatay ay goobta ka baxsadeen, ilaa iyo haddana aan la aqoonsan.

Dad ka ag dhowaa halka uu dilku ka dhacay ayaa sheegay in haweenayda iyo kooxda dilka geysatay uu muran dhex maray, isla markaana ay haweenayda dileen.

Saraakiisha amaanka gobolka Mudug ayaan weli ka hadlin dilka ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobalkaasi.

Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxay ka mid tahay meelaha inta badan dilalka ay ka dhacaan, iyadoo aanay jirin cid dilalka dhaca badanaa loo soo qabto.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

634 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>